12.9 C
London
Sunday, November 9, 2025

Dadka Jabuuti oo xalay u dabaal-degay sanadkii 30aad ee ka soo wareegatay markii ay Faransiiska Xornimada ka qaateen

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arbaco, June 27, 2007(HOL): Dadka Reer Jabuuti ayaa xalay waxay u dabaal-degeen sanadguuradii 30aad ee ka soo wareegatay markii ay xornimadooda ka qaateen gumeystihii Faransiiska, iyadoo magaalooyinka waa weyn ee dalka Jabuutina ay xalay ka dhaceen xaflado lagu xusayay munaasabaddaas.

 

Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo ay ka qeybgaleen Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, xubnaha labada gole ee Dowladda Jabuuti Dadweyne iyo marti sharaf kale ayaa xalay lagu qabtay Garoonka Kubadda Cagta Xasan Guuleed Abti-doon, iyadoo halkaasina ay heeso ka hadlaya xornimada Jabuuti ay ka qaadayeen Fannaaniin waa weyn oo Reer Jabuuti ah.

 

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo xafladdaas ka hadlay ayaa dib u xusuusiyay Dadka Jabuuti halganka loo soo galay xornimada ay Jabuuti heysato, wuxuuna sheegay in aysan xornimadaas iska imaanin, balse ay dad badan u dhinteen.

 

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo intii uu qudbeynayay soo hadal qaaday Dalka  Soomaaliya  ayaa wuxuu u duceeyay Shacabka Soomaaliyeed oo uu Alle uga baryay inuu dhibaatada ka dul-qaado, isagoo dhanka kale shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay ka baxaan kala qeybsanaanta, isla markaana ay u soo jeestaan sidii ay u midoobi lahaayeen.

 

Jabuuti waxay xornimadeeda ka qaadatay gumeystihii Faransiiska Sanadkii 1977-kii, iyadoo xiligaas  dadka Jabuuti ay goosteen in ay noqdaan Jamhuuriyad madax-bannaan.

 

Dalalka Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa waxay ku guda jiraan todobaadkii u dabaal-degidda xornimo qaadashadooda, iyadoo 26-ka June ay tahay markii ugu horeysay oo ay Gobollada Waqooyi ee Soomaaliya ay xornimadooda ka qaateen Gumeystihii Ingiriiska, 27-ka June ayaa iyaduna waxay tahay markii ay xornimada qaateen Dadka Jabuuti, halka 1-da Luulyo-na ay tahay markii ay iyana Xornimadooda ka qaateen Gobollada Koofureed ee Soomaaliya Gumeystihii Talyaaniga, isla markaana ay isku darmeen Gobollada Waqooyi iyo Koofur ee Dalka Soomaaliya.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).