13.8 C
London
Sunday, November 9, 2025

Ciidamo Itoobiyaan ah oo u dhaqaaqay Deegaano ka tirsan Gobolka Galgaduud

- Advertisement -spot_imgspot_img

Talaado, June 26, 2007(HOL): Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku hubeysan gaadiidka Dagaalka oo aad u tiro badan ayaa la xaqiijiyay in ay u dhaqaaqeen dhinaca Magaalada Guri-Ceel ee Gobolka Galgaduud.

 

Duqa Magaalada Guri-Ceel ninka lagu magacaabo Bashiir C/llaahi Nuur ayaa u sheegay Idaacadda Capital Voice ee magaalada Muqdisho in Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku sugan Degmada Matabaan ay ku soo wajahan yihiin Degmada Guri-Ceel, isagoo caddeeyay in ay ku howlan yihiin sidii ay Ciidamadaas u soo dhaweyn lahaayeen.

 

Bashiir C/llaahi Nuur, waxaa uu sheegay in ay Ciidamadaas ka hortegayaan oo ay soo dhaweynayaan Odayaal iyo Waxgarad uu horkacayo Ugaaska Beesha Ceyr Ugaas Xasan Ugaas Maxamed Nuur, isagoo ka gaabsaday in uu sheego sababta ay Ciidamadaas u tegayaan Deegaanadooda iyo inta ay joogi doonaan intaba.

 

Duqa Magaalada Guri-Ceel waxaa uu intaas ku daray in loo sheegay in Ciidamadan ay yihiin kuwo ka tegay dhinaca Magaalada Muqdisho, kuwaasi oo  intii ay wadada ku sii jireen uu  Qarax ku qabsaday Deegaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan.

 

Lama garanayo Ujeedada ay Ciidamadan Itoobiyaanka ah u tegayaan Gobolka Galgaduud, sidoo kalena ma jirto cid sheegi karta in ay doonayaan Ciidamadan in ay ka sii gudbaan iyo in ay deegaan ka sameysanayaan deegaano ka tirsan Gobolka Galgaduud.

 

Ugu dambeyntiina, Ciidamo tiro badan oo Itoobiyaan ah ayaa waxay ku sugan yihiin deegaano ka tirsan Dalka Soomaaliya oo ay soo galeen dabayaaqadii sanadkii hore, xiligaas oo ay dagaallo la galeen Xoogagga Maxkamadihii Islaamka ee ku sugnaa  deegaano dhowr ah oo ku yaala Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).