13.8 C
London
Sunday, November 9, 2025

Shan Haween ah oo ku geeriyooday Qarax Miino oo ka dhacay inta u dhaxeysa Isgoysyada Howl-Wadaag iyo Bakaaraha

- Advertisement -spot_imgspot_img

Talaado, June 26, 2007(HOL): Shan Haween ah oo howlo nadaafadeed ka waday Wadada Wadnaha, gaar ahaan inta u dhaxeysa Masjidka Macallin Biya-Maalow iyo Isgoyska Bakaaraha ayaa geeriyooday, tiro kale oo intaas ka badanna dhaawac ayaa soo gaaray kadib markii ay ku qaraxday Miino la geliyay halkii ay nadaafadda ka wadeen.

 

Shantaas Haweenka ah ee geeriyootay ayay Miinadu si xun u jar-jartay jirkooda, iyadoo dadkii dhaawaca soo gaaray oo qaarkood uu dhaawacooda cuslaana loola cararay Isbitaallada Magaalada Muqdisho.

 

Qaraxaas kadib ayaa waxaa goobta tegay Ciidamo boolis ah oo dadkii halkaas isugu soo xoomay rasaas ku kala eryay, iyadoo qaraxaasina uu ahaa mid aad u xooggan, sida ay sheegeen dad goobta ka dhawaa.

 

Miinada ku qaraxday Haweenkan ku guda jiray howsha nadaafadda ah ayaa waxay qeyb ka tahay miinooyin la dhigo hareeraha Waddooyinka, inkastoo Miinadii saakay ay ahayd mid la dhex geliyay goob uu qashin ku uruursanaa.

 

Ciidamada Booliska Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan waxay fashiliyeen miinooyin lagu aasay xaafado ka mid ah Degmooyinka Deyniile, Xamar Ja-jab iyo Yaaqshiid, waxaana miinooyinkaas ku wargeliyay Ciidamada Booliska Dadka ku dhaqan deegaanada Miinooyinkaas lagu aasay.

 

Ugu dambeyntiina, Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa muddooyinkan dambe waxaa ka dhaca Qaraxyo lala beegsanayo Mas’uuliyiin iyo Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo weliba dilal loo geysanayo dad aan waxba galabsan oo loo dilayo heybtooda qabiilka ama taageero ay u hayaan dhinacyada isku haya Siyaasadda Dalka Soomaaliya.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).