14.2 C
London
Sunday, November 9, 2025

Munaasabadda 26-ka June oo aan xalay Muqdisho laga xusin

- Advertisement -spot_imgspot_img

Talaado, June 26, 2007(HOL): 26-ka June oo ku beegan markii ay gobollada Waqooyi ee Soomaaliya ay xornimadooda ka qaateen Gumeystihii Ingiriiska ayaa u muuqaneysa mid maamuuskeeda uu sii yaraanayo.

 

Munaasabaddaas xalay lagama xusin magaalada Muqdisho, waxaana taas ugu wacnaa iyadoo ay magaalada ku jirtay Bandow, isla markaana uusan wax dhaqdhaqaaq ah ka jirin.

 

Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Banaadir ee dhinaca Siyaasadda C/llaahi Xasan Ganey Firimbi ayaa sheegay in xalay  magaalooyin kale oo ka tirsan Dalka Soomaaliya laga xusay munaasabaddaas, hayeeshee sababta Muqdisho looga xusi waayay ay tahay iyadoo ay magaalada Muqdisho Bandow ku jirtay.

 

Nuxuuska ku imaanaya xuskii loo sameyn jiray munaasabadda 26-ka June ee ku aadan xornimo qaadashadii Gobollada Waqooyi ee Soomaaliya ayaa wuxuu bilowday markii ay dadka ku dhaqan Gobollada Waqooyi ay sheegeen in ay ka go’een Soomaaliya inteeda kale, sidoo kalena ay bilaabeen in ay si weyn u xusaan 18-ka May oo ugu asteysan maalintii ay ku dhawaaqeen gooni isu taagooda.

 

Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaaji Goob-doon oo wax laga weydiiyay sida uu arkayo in aaney dadka reer Somaliland xus weyn u sameyneynin maalintii ay xornimada ka qaateen Ingiriiska ayaa wuxuu sheegay in uu aamisan yahay in ay Reer Somaliland ay xusayaan maalintaas ay xornimadooda qaateen, balse waxa ay diidan yihiin ay tahay midowgii ay la midoobeen Gobollada Koofureed.

 

Sanadkii hore ee 2006 sidoo kale magaalada Muqdisho lagama xusin munaasabadda 26-ka June, waxaana xiligaas magaalada Muqdisho ka talinayay maxkamadihii Islaamka oo iyagu diiday in la xuso 26-ka June iyo 1-da Luulyo intaba, waxayna mas’uuliyiin u hadlay Maxkamadihii Islaamka ay berigaas sheegeen in ay dadka Islaamka ah leeyihiin labo Ciidood oo kaliya.

 

Xornimada Soomaaliya ay heysato oo 47 sano jir ah ayaa iyadoon boqol sano jirsan xuskeedii laga caga jiidayaa, waxayna taasi muujineysaa sida aysan Dadka Soomaaliyeed ugu baraarugsaneyn qiimaha ay Xornimada u leedahay, maadaama xuska maalmahaas taariikhiga ah ay hareynayaan khilaafaadyo siyaasadeed iyo arrimo dhinaca ammaanka la xiriira.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee 27-ka June oo maalinta berri ah ku beegan ayaa dalka Jabuuti waxaa laga xusayaa sanadguuradii 30aad ee ka soo wareegatay markii ay Dadka Reer Jabuuti xornimadooda ka qaateen Dalka Faransiiska, waxaana xusid mudan in ay Soomaaliya iyo Jabuuti-ba ku jiraan todobaadkii xornimo qaadashadooda.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).