Talaado, June 26, 2007(HOL): Xildhibaan Barre Aadan Shire Hiiraale oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ugu baaqay in ay dhexdhexaad ka noqoto xiisadaha ka taagan Gobolka Jubbada Hoose.
Xildhibaanka oo haatan ku sugan Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa sheegay in uu halkaas u tegay sidii uu u xalin lahaa khilaafaadyo in muddo ah u dhaxeeyay Beesha uu ka soo jeedo ee Sade, wuxuuna caddeeyay in la xaliyay khilaafkii beeshaas ku kala dhex jiray.
Xildhibaan Barre Hiiraale waxaa uu sheegay in uu si weyn uga xun yahay dagaallkii dhawaan ka dhacay deegaano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose, wuxuuna carrabka ku dhuftay in uu dagaalkaas ahaa mid aan loo baahneyn, isagoo dadkii ku dhintay ugu duceeyay in uu Alle Naxariistiisa siiyo, kuwii ku dhaawacmayna uu caafiyo.
Xildhibaan Barrre Hiiraale waxaa uu ku talo bixiyay in Xildhibaanada iyo Wasiirrada ka soo jeeda Gobolka Jubbada Hoose halkaas loo diro, si ay wax uga qabtaan colaadda ka jirta, isagoo dhinaca kalena ugu baaqay dadka ku dhaqan Gobolka Jubbada Hoose in ay aayahooda ka tashadaan.
Dagaalkii dhawaan ka dhacay Jubbada Hoose ayaa la sheegay in ay ku dhinteen ilaa 16 ruux, halka ay ku dhaawacmeen dad ka badan 30 ruux, kuwaasi oo dhaawacooda la geeyay Isbitaalka Magaalada Kismaayo oo laga soo sheegayo in ay Dawada gabaabsi ka sii tahay.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






