Isniin, June 25, 2007(HOL): Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geedi iyo wafdigii uu hoggaaminayay ee dhawaan ka amba baxay Magaalada Muqdisho ayaa gaaray Gobolka
Guddoomiye ku xigeenka koowaad Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Cumar Dalxa oo horay Mareykanka u sii joogay iyo xubno ka socday Jaaliyadaha Soomaliyeed ee halkaas ku dhaqan ayaa lagu soo waramayaa in ay Ra’iisal Wasaaraha iyo wafdigiisa si weyn u soo dhaweeyeen.
Ra’iisal Wasaare Geedi ayaa la filayaa in uu u sii gudbo Magaalada New York, si uu uga qeybgalo Kulan uu Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay halkaas ku leeyahay, kaasi oo looga hadli doono Arrimaha Soomaaliya.
Prof. Cali Maxamed Geedi ayaa markii uu Muqdisho ka dhoofayay waxaa uu sheegay in ka qeybgeli doono Shir uu Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay 28-ka bishan isugu imaanayo Xaruntiisa magaalada New York, isagoo sheegay in uu halkaas ka jeedin doono warbixin ku saabsan Xaaladda Dalka Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada Nabadgelyada, Dib u heshiisiinta iyo Gargaarka Bani’aadannimada.
Marka uu kulankaas ka soo qeybgalo kadib ayuu sheegay Ra’iisal Wasaare Geedi in uu soo mari doono dalka Ghana, halkaasi oo uu 1-da ilaa 3-da July uu ka dhici kulan ay isugu imaanayaan madax ka socota Qaaradda Afrika, isagoo caddeeyay in uu kulankaas ku meteli doono Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed.
Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi ayaa socdaalka uu ku tegayo Xarunta Qaramada Midoobay ee New York wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo uu dhawaan ka badbaaday Qarax xooggan oo la doonayay in lagu dilo, isagoo sidoo kalena horay uga badbaaday seddex qarax oo kale oo iyana lagu dili lahaa, waxaana xusid mudan in Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu cambaareeyay Qaraxyada lala beegsaday Ra’iisal Wasaare Geedi.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






