12.6 C
London
Saturday, November 8, 2025

Tartan Suugaaneed loogu magac-daray Todobaadka Nabadda oo lagu soo gebagebeeyay Magaalada Beledweyne

- Advertisement -spot_imgspot_img


Isniin, June 25, 2007(HOL): Tartanka oo Socday mudo todobaad ah  ayaa waxaa ka soo qeyb-galay Abwaano isugu jiray Rag iyo Dumar kuwaasoo Sugaan ku cabirayay Doorka Nabadu leedahay iyo waliba sida Suugaan leeyda soomaaliyeed u arkaan Nabadu wax ay tahay.

 

Tartanka ayaa intii uu socday sidoo kale waxaa dhaxtaal u ahaa warbixino ay soo jeedinayeeen shaqsiyaad ka kala socday qeybaha Bulshada oo ay ku jiraan Duubka dhaqanka oo sheegay in Wali uusan Gobalka Soomarin Tartan noocan oo kale ah  iyaga oo ku tilmaamay in Suugaan leydu yihiin kuwa kaliya ee marna hurin kara Colaadaha hadana dhanka kale baadi goobi kara Nabada, iyaga oo intaa ku daray in Abaawaanku yahay kan kaliya ee adeegan kara Erayo dadka ku beera dareen gaar ah.

 

Abwaanada ka soo qeyb-galay Tartanka oo qaar kood caan ka ah Gudaha Gobalka ayaa mid walba waxaa uu soo bandhigay Gabayo u gaar ah oo dhaantoodu ku saleysan Nabada, taasoo siweyn u soo jiitay Dareenka ka qeyb-galyaasha oo ahaa kuwo siweyn u jecleystay qaabka Tartanku u dhacayo.

 

waxaa ka mid ahaa Abwaanada joogay Goobta Tartanka lagu qabtay Abwaan Max’ed Max’uud (Qaa-qaay) oo siweyn looga yaqaano Gudaha Dalka  laakiin aan ka mid aheyn Suugaan leydii tartanka ka qeyb-qaadatay,  waxaana uu halkaa ku soo Bandhigay Gabayo  ka  hadlaya Marxlada Maata uu dalku Marayo iyo sida Soomaalidu u kala tagtay Sanadihii Colaada, waxaana Xusid Mudan sida uu u saameyay dareenka Goob joogayaasha Gabay uu halkaa ka soo jeediyay Abwaanka oo la magac baxay  “” Harag Abeeso””

 

Dhinaca Dumarka ayaa iyaguna la oran karaa Tartanka qeyb weyn ayeey ku lahaayeen iyaga oo ku cabirayay dareenkoodu ku aadan Nabada Suugaanta dumarka ay caanka ku yihiin ee (Buraan-burka) oo Runtii mar marka qaar la oran karo waa kuwo xanbaarsan Erayo Qiiro badan leh.

 

Lakiin waxaa markii uu Tartanku soo dhamaaday loo gartay in uu yahay Abaawaanka ugu horeeya ee kaalinta koowaad la siiyay Sugaantii uu halkaa ka soo jeediyay Abwaan C/rashiid Sh. Cabdi oo halkaa ka soo jeediyay Maanso la magac baxday ” Wax Aan Nabad ku Diidnoo Ku doorsano Ma’heysaan”

 

C/qaadir Max’ed Max’uud (Caano-buure) oo ah Madaxa Ururka SYDP oo Tartanka Soo qaban qaabisay ayaa sheegay in ujeetada laga lahaa Tartanku ahaa oo kaliya bal in la soo bandhigo doorka Fanka ee ku aadan Nabada oo ah mid 16 sano ee la soo dhaafay layska ilaaway, waxaana uu amaan iyo Bogaadin intaba u soo jeediyay dhamaan ka soo qeyb-galyaasha, gaar ahaan Abwaanada oo ah ayuu yiri kuwa Erayada ay soo bandhigeen dadku wax badan ku qaadan doono, Marka laga soo tago Ururka SYDP ayaa dhanka kale waxaa gacan ka geytay qabsoomida Tartanka  Hay’adaha UNDP/NRC sida uu sheegay C/qaadir Caano-buure.


C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

diini@hiiraan.com

Beledweyn, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).