11.6 C
London
Saturday, November 8, 2025

Magaalada Muqdisho oo Qaraxyo ay ka dhaceen iyadoo habeenkii labaad Bandow ku jirtay

- Advertisement -spot_imgspot_img


Axad, June 24, 2007(HOL): Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa xalay waxaa ka dhacay Qaraxyo lala beegsaday Fariisimo ay ku sugan yihiin Ciidamada Dowladda Federaalka, iyadoo magaaladana ay habeenkii labaad ku jirtay Bandow.

 

Qaraxyada xalay dhacay oo qaarkood ayba ka horeeyeen xiliga Bandowga uu bilaabanayay ayaa waxay ka dhaceen Saldhigga Degmada Kaaraan oo lagu tuuray Bambo gacmeed, waa sida uu xaqiijiyay Guddoomiyaha Degmadaas C/llaahi Maxamed Rooble, sidoo kalena qaraxyo kale ayaa ka dhacay xaafado ka mid ah Degmooyinka Hodan iyo Howl-wadaag, kuwaasi oo aan la soo sheegin cid wax ku noqotay.

 

Qaraxyadii xalay dhacay ayaa waxay ahaayeen kuwo ka yar kuwii habeen hore ka dhacay Magaalada Muqdisho, kuwaasi oo aad moodeysay in looga soo horjeeday amarka Bandowga ah ee ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ku soo rogtay Magaalada Muqdisho, bacdamaa ay Qaraxyada iyo Bandowga isku mar bilowdeen.

 

Inkastoo ay jiraan xaafado  ku yaala Magaalada Muqdisho oo amarka Bandowga iska dhego tiraya, hadana waxaa jira dad dhowr ah oo loo qabqabtay in ay u hoggaansami waayeen Bandowga, kuwaasi oo ay xireen Ciidamada Booliska Dowladda Federaalka.

 

Dhanka kalena Qaar ka mid ah Culumaa’udiinka ku dhaqan Magaalada Muqdisho ayaa waxay si weyn uga xumaadeen in Bandowga uu saameyn ku yeeshay tukashada Salaadda Cishaha, iyadoo ay xusid mudan tahay in Masjidyada Muqdisho ku yaala qaarkood Salaadda Cishaha laga tukado iyadoo aan la gaarin xiligii la tukan jiray.

 

Bandowgii xalay ka jiray magaalada Muqdisho habeenkii labaad ayaa wuxuu hakiyay isu socodka Dadka iyo Gaadiidka isaga kala gooshi jiray Magaalada Muqdisho, iyadoo sidoo kalena uu saameyn ku yeeshay goobihii ganacsiga Magaalada, kuwaasi oo gebi ahaantood albaabada loo laabay.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Qaraxyadii xalay iyo habeen hore Muqdisho ka dhacay iyadoo uu Bandow jiray ayaa waxay muujinayaan in  aaney Dowladda Federaalka heynin Ciidamo Soomaali ah oo ku filan sugidda Ammaanka Muqdisho bacdamaa la xaqiijiyay in ay jireen Isgoysyo aan Ciidamo la geynin balse ay Dadkii ku sugnaa iskood Bandow uga dhigeen.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).