12.6 C
London
Saturday, November 8, 2025

Maamulka Gobolka Banaadir oo ka warbixiyay sida uu u dhaqangalay Bandowgii Xalay ka bilowday magaalada Muqdisho

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, June 23, 2007(HOL): Agaasimaha Waaxda Warfaafinta, ahna Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Muxyaddiin Cali oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in uu si wanaagsan u dhaqangalay Bandowgii xalay ka bilowday Magaalada Muqdisho ee ay soo rogtay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

Maxamed Muxyaddiin Cali waxaa uu sheegay in xalay markii la gaaray 7-dii Fiidnimo ay Ciidamada Booliska Dowladda Federaalka Soomaaliya ay tageen Isgoysyada Magaalada Muqdisho, Saldhigyada Booliska iyo weliba Xaafadaha Dhexdooda, isla markaana ay ammaanka si weyn u sugayeen.

 

Afhayeenka waxaa uu sheegay in aysan xalay wax nabadgelyo darro ah ka dhicin magaalada Muqdisho marka laga reebo Bambo-gacmeedyo sida uu yiri meelo luuqyo ah lagu tuuray, wuxuuna caddeeyay in ay howlgallada sii socon doonaan tan iyo inta ammaanka Magaalada Muqdisho uu ka hagaagayo.

 

Maxamed Muxyaddiin Cali, Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir waxaa uu intaas ku daray in ay saaka Ciidamada Booliska Dowladda Federaalka ay fashiliyeen Miinooyin la doonayay in lagu qarxiyo xaafado ka tirsan Degmooyinka Deyniile iyo Xamar Ja-jab oo Gobolka Banaadir ka tirsan, wuxuuna farta fiiqay in ay Ciidamadu halkaas gaareen markii ay la soo xiriireen dadka deegaanadaas oo iyagu Miinada arkay.

 

Dhanka kalena, Maxamed Muxyaddiin waxaa uu sheegay in uu maanta markii ugu horeysay soo baxay Wargeys ku hadla Codka Gobolka Banaadir, kaasi oo ay aqrisan karaan Dadka ku dhaqan gudaha Dalka Soomaaliya, iyadoo dadka ku dhaqan Dalka Dibaddiisana uu sheegay in ay Waxqabadka Maamulka Gobolka Banaadir kala socon karaan website Gobolka loo sameeyay oo cinwaankiisu yahay http://www.gobolkabanaadir.com.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Bandowgii xalay ka biwlowday magaalada Muqdisho ayaa wuxuu hakiyay isu socodka Dadka iyo Gaadiidka isaga kala gooshi jiray Magaalada Muqdisho, iyadoo sidoo kalena uu saameyn ku yeeshay goobihii ganacsiga Magaalada, kuwaasi oo gebi ahaantood albaabada loo laabay.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).