
Sabti, June 23, 2007(HOL): Guddoomiyaha Guddiga Fulinta Eurosom iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa waxaa ay booqasho shaqo ku yimaadeen magaaladda Helsinki ee dalka Finland, iyagoo u kuurgelaya xaaladda shaqo ee uu ururka Kanava iyo guud ahaan qabanqaabada cayaaraha meesha ay marayaan.
Haddaba waxaa maanta markii uu guddoomiyaha soo degay waxaa ugu horeyntii soo dhaweeyey maamulka qabanqaabada Ciyaaraha, Macallimiin iyo Ciyaaryahanno hore oo uu hor kacayey Guddoomiyaha guddiga qabanqaabadda cayaaraha, ahna guddoomiyaha Kanava Mudane Abdulqadir Hadaafow.
Wafdiga ayaa waxaa ay kadib u amba baxeen dhinaca iyo xarunta Kanava, halkaasi oo markii ay isku wareysteen Guddiga soo dhaweynayay Wafdiga Guddoomiyaha iyo maamulka Ciyaaraha la isku af-gartay in ay Wafdiga Guddoomiyaha booqdaan Garoomada iyo Deegaanka loogu talagalay in ay ka dhacaan Ciyaaraha EUROSOM ee sanadkan 2007.
Guddoomiyaha ayaa markii uu arkay garoomada iyo Deegaannada loo diyaariyay Ciyaartoyda iyo Wufuudda kale si weyn ugu riyaaqay, una soo dhaweeyay, “Waan rumaysnaa khibradda ay u leeyihiin reer Finland iney ka soo baxayaan wax aan horey loo arag waxaa daliil u ah sida aan indhaheyna ku aragnay ee ay maanta soo bandhigeen”ayuu yiri Guddoomiyaha Guddiga Fulinta Eurosom.
-Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu yiri sidoo kale waxaad halkan ka fahmi kartaa heerka tayo ee ciyaarahan marayaan oo aan is-leeyahay waxay ku talaabsadeen horumar weyn oo aan la soo koobi karin.
Booqashaddii kadib ayaa martidii waxaa ay indha-indheyn gaaban ku soo mareen magaalada
Waxaa xafladan iyo dhamaan soo dhaweynta guddiga Eurosom goobjoog ka ahaa, aabaha isbooriga Finland Macalin Bashiir Abdi Daahir, Siciid, Macallin Abdi Caagane, Macallin Jaango’an Ciyaaryahanka weyn Abdi Fitik, Mudane Mire, Xubin maamulka qabanqaabadda ciyaaraha Mudane Caamir, xubin qabanqaabadda Siciid, Macalinkii Xulka Qaranka Soomaaliya Buruko, Sugule Siciid Saalax iyo akhyaar tiro badan oo aan la soo koobi karin.




Afhayeenka Gudiga Qabanqaabada Ciyaaraha Eurosom
Mudane Abdiaziz Godah






