11.6 C
London
Saturday, November 8, 2025

Seminaar ku saabsan Xuquuqda Haweenka iyo Doorka ay Bulshada ku dhex leeyihiin oo Muqdisho lagu qabtay

- Advertisement -spot_imgspot_img


Sabti, June 23, 2007(HOL): Seminaar seddex maalmood socday oo lagu baranayay Doorka ay Haweenka Soomaaliyeed ku dhex leeyihiin Bulshada ayaa lagu qabtay Xarunta Ururka Badbaadinta Haweenka iyo Dhallaanka Soomaaliyeed (S.S.W.C) ee Magaalada Muqdisho.

 

Seminaarkaas oo ay ka qeybgaleen ilaa 70 Ruux oo isugu jiray Rag iyo Haween bulshada qeybaheeda ka kala socday ayaa waxaa casharro ka dhigay Macalimiin khubarro ah oo si weyn bannaanka u soo dhigay Xuquuqda Haweenka iyo doorka ay Bulshada ku dhex leeyihiin.

 

Ka qeybgalayaashii Seminaarka ayaa iyaguna markii Seminaarka u soo dhamaaday waxay sheegeen in ay kororsadeen wax badan oo ku saabsan Xuquuqda ay Haweenka leeyihiin iyo weliba doorka ay Bulshada ku dhex leeyihiin, iyagoo qaarkoodna sheegeen in Haweenka Soomaaliyeed ay dulman yihiin, bacdamaa ay ogaadeen in ay Xuquuq badan leeyihiin.

 

Ku simaha Guddoomiyaha Ururka S.S.W.C Hinda Axmed Faarax oo ka hadashay gebagebadii Seminaarka ayaa sheegtay in ay si weyn ugu faraxsan yihiin in ay qabtaan Seminaar looga hadlayo Xuquuqda ay Haweenka Soomaaliyeed leeyihiin iyo weliba doorka ay Bulshada ku dhex leeyihiin, iyadoo carrabka ku dhufatay in Haweenka Soomaaliyeed mar kasta Xuquuqdooda la duudsiiyo, balse haatan wixii ka dambeeya ay dhexda u xiran doonaan sidii ay isaga celin lahaayeen Haweenka cid kasta oo dooneysa in ay ku tumato Xuquuqda ay leeyihiin.

 

“Ururka S.S.W.C maanta oo kaliya kuma eka seminaarrada uu u qabanayo Haweenka Soomaaliyeed, waana sii wadi doonnaa Haddii Alle idmo, waxaana rumeysannahay in haddii aan sii wadno qabashada Seminaarrada ceynkan oo kale ah ay taasi keeni doonto in ay Haweenka ku baraarugaan xaqa ay leeyihiin”ayay tiri Hinda Axmed Faarax oo intaas ku sii dartay in loo baahan yahay in ay Haweenka Soomaaliyeed xaqooda ku raadsadaan si walba oo ay nabad ku jirto.

 

Sida ay sheegtay Hinda Axmed Faarax Ururka badbaadinta Haweenka iyo Dhallaanka Soomaaliyeed (S.S.W.C) kuma eka howlaha uu qabto Seminaarro uu Haweenka u qabto, hayeeshee waxaa uu kaalin mug leh ka qaataa arrimaha Nabadda, Waxbarashada, Caafimaadka, Xuquuqda Aadanaha iyo Gargaarka Bani’aadannimada.

 

Ugu dambeyntiina, 31-kii bishii Janaayo ee aynu ka soo gudubnay ayay ahayd markii uu Ururkan 60 Haween ah u qabtay Seminaar lagu baranayay sida ay Haweenka uga qeybqaadan karaan Nabadda iyo weliba go’aan ka gaarista Xaaladaha Dalka Soomaaliya.


Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).