Sabti, June 23, 2007(HOL): Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in ay saakay degan tahay xaaladda Magaaladaas oo shalay kacsaneyd, kadib markii uu Deegaanka Buulo-Gaduud ka dhacay dagaal dhexmaray Ciidamo ka wada tirsan Dowladda Federaalka oo Qaab Beeleed isugu dhacay.
Dagaalkii shalay ayaa la sheegay in ay ku dhinteen ilaa 16 ruux, halka ay ku dhaawacmeen dad ka badan 30 ruux oo dhaawacooda la geeyay Isbitaalka Magaalada Kismaayo oo laga soo sheegayo in ay Dawada gabaabsi ka sii tahay.
Dhaqaatiirta Isbitaalka Kismaayo ayaa ka deyrinaya Dhaawacyadii Isbitaalka la gaarsiiyay, sabab la xiriirta in aan loo heli karin dawada ay u baahan yihiin, iyadoo horayna ay u geeriyoodeen Dhaawacyo Isbitaalka la geeyay.
Dagaalka dhexmaray labadan Ciidan ayaa wuxuu yimid kadib markii lagu guuleysan waayay in la xaliyo khilaafkii keenay in ay dagaalamaan gudaha Magaalada Kismaayo, isla markaana dhinac ka mid ah dhinacyada dagaalamaya magaalada bannaanka looga saaro.
Sidoo kalena Dagaalkan ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo muddooyinkan ay kulamo lahaayeen Odayaal ka soo jeeda Beelaha ay ka dhasheen labada Ciidan, kuwaasi oo markii ugu dambeysay wada hadalladooda ay natiijo wanaagsan ka soo muuqatay.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, ilaa iyo haatan lama sheegin cid waan waan wadda oo ku dhex baxday Ciidamada ku dagaalamay Deeegano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose, marka laga reebo in uu iskiis u istaagay dagaalkii shalay labada dhinac dhexmaray.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






