12.6 C
London
Saturday, November 8, 2025

Magaalada Muqdisho oo xalay Bandow iyo Qaraxyo ay ka jireen

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, June 23, 2007(HOL): Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya oo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay Bandow ku soo rogtay ayaa habeenkii xalay ahaa waxaa ka jiray Bandow iyo Qaraxyo hal mar isla bilowday.

 

Qaraxyada oo bilowday markii la gaaray xiligii uu Bandowga bilaabanayay oo ku beegan 7-da Fiidnimo ayaa waxay ka dhaceen dhowr Degmo oo ka tirsan Gobolka Banaadir, kuwaasi oo aan la soo sheegin cid wax ku noqotay.

 

Qaraxyada ayaa waxay isugu jireen Miinooyinka dhulka lagu aaso iyo Bambooyinka gacanta laga tuuro, waxaana lala beegsanayay Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo iyagu xiligaas isu diyaarinayay in ay socod roondo ah ku maraan Waddooyinka Magaalada Muqdisho.

 

Waxaa la yaab ku noqotay Dadka Muqdisho oo u hoggaansamay Bandowga lagu soo rogay in ay xalay magaalada Muqdisho ka dhaceen Qaraxyadii ugu badnaa oo habeen dhaca, weliba xili ay Dowladda Federaalka Soomaaliya Waaxaheeda Ammaanka ay wacad ku mareen in ay la dagaalami doonaan kooxaha wax qarxiya kadib marka Magaalada Bandowga lagu soo rogo.

 

Bandowgii xalay ka biwlowday magaalada Muqdisho ayaa wuxuu hakiyay isu socodka Dadka iyo Gaadiidka isaga kala gooshi jiray Magaalada Muqdisho, iyadoo sidoo kalena uu saameyn ku yeeshay goobihii ganacsiga Magaalada, kuwaasi oo gebi ahaantood albaabada loo laabay.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Qaraxyadii xalay Muqdisho ka dhacay iyadoo uu Bandow jiray ayaa waxay muujinayaan in  aaney Dowladda Federaalka heynin Ciidamo Soomaali ah oo ku filan sugidda Ammaanka Muqdisho bacdamaa la xaqiijiyay in ay jireen Isgoysyo aan Ciidamo la geynin balse ay Dadkii ku sugnaa iskood Bandow uga dhigeen.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).