Sabti, June 23, 2007(HOL): Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Banaadir ee dhinaca Siyaasadda, ahna ku simaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir C/llaahi Xasan Ganey (Firimbi) ayaa war aan sal iyo raad toona lahayn ku tilmaamay war ay shaacisay Saxaafadda Soomaalida qaarkeed, kaasi oo ahaa in uu xanuunsan yahay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere).
C/llaahi Firimbi waxaa uu sheegay in uu warkaasi aad ula yaabay, wuxuuna sheegay in uu Guddoomiyaha caafimaadkiisa wanaagsan yahay, isla markaana uu howlo shaqo u joogo Dalka Yurkiga.
“Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ma xanuunsana, wuxuuna ku maqan yahay howlo shaqo” ayuu yiri C/llaahi Xasan Ganey Firimbi oo sheegay in ay qaar ka mid ah Website-yada Soomaalida shaaciyeen in Guddoomiyaha uu Lug iyo Gacan ka qalalay, isla markaana loo qaaday dhinaca Magaalada Addis Ababa ee Dalka Itoobiya.
Saxaafadda ayuu ugu baaqay Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Banaadir in ay xaqiiqda ka hadlaan, isla markaana ay joojiyaan wararka aan jirin ee ay baahinayaan, wuxuuna carrabka ku dhuftay in uu Guddoomiyaha dhaqsi ugu laaban doono Magaalada Muqdisho, isla markaana uu ka hadli doonaan warka laga qoray ee ah in uu xanuunsanayo.
C/llaahi Xasan Ganey Firimbi waxaa uu sheegay in uu Guddoomiyaha Gobolka Banaadir uu socdaalkiisa shaqo ee uu dalka uga maqan yahay uu la xiriiro sidii dib loogu dhisi lahaa Gobolka Banaadir oo burbur baaxad leh uu soo gaaray xiligii Dowlad la’aanta.
Dhanka kalena, Guddoomiye ku xigeenka waxaa uu ka hadlay cabasho ay qaar ka mid ah Dadka Muqdisho soo jeediyeen, taasi oo la xiriirta in xiliga uu Bandowga bilaabanayo aad loo soo hormariyay, isla markaana ay jeclaan lahaayeen in looga dhigo kadib marka Salaadda Cishaha la soo tukado, “Markii la soo saarayay Amarkan Bandowga si weyn ayaa looga dooday, xitaana waxaa jirtay in mar la soo kala jeediyay in la bilaabo 3-da Galabnimo iyo 5-ta Galabnimo, hayeeshee la isku af-garan waayay, kadibna la isku raacay in uu bilowdo Bandowga 7da Fiidnimo.”ayuu yiri C/llaahi Firimbi.
“Arrintaas waxaa u xil saaran Waaxaha Xaafadaha oo xiriir la sameyn doona Degmooyinka oo ay diyaar ku yihiin Gaadiidkii lagu qaadi lahaa Dadka ay Xaaladda deg degta ah ku timaado”ayuu yiri Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Banaadir C/llaahi Xasan Ganey (Firimbi) oo ka jawaabayay weydiin ahayd sida uu maamulkooda ka yeelayo dadka dhaawacyada soo gaari karaan iyo Haweenka ay Foosha qabato inta xiliga Bandowga lagu jiro.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






