12.6 C
London
Saturday, November 8, 2025

Odayaasha Beelaha Hawiye oo fikirkooda mideynaya ka hor Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, June 23, 2007(HOL): Odayaasha Beelaha Hawiye ee ka soo horjeeday Dowladda Federaalka Soomaaliya xiligii ay Dagaallada ka socdeen Magaalada muqdisho iyo Odayaal kale oo iyana Hawiye balse aan wax mucaaraddo ah u muujin Dowladda ayaa maanta waxay shir ku yeelanayaan Magaalada Muqdisho.

 

Odayaashan ayaa la sheegay in ay shirkooda uga arrinsanayaan sidii loo mideyn lahaa talada Beesha Hawiye bacdamaa sida ay qaar ka mid ah Odayaasha sheegeen bisha soo socota Bartamaheeda magaalada Muqdisho lagu qaban doono Shir dib u heshiisiin Soomaaliyeed oo ay si guud ugu heshiinayaan Beelaha Soomaaliyeed.

 

Shirka ay maanta isugu imaanayaan Odayaasha Beelaha Hawiye ayaa wuxuu yimid kadib Kulan Arbacadii aan ka soo gudubnay Muqdisho ku dhexmaray Guddiga Shirka Dib u heshiisiinta iyo Odayaasha Beelaha Hawiye, kuwaasi oo ka wada hadlay arrimo ay ka mid ahaayeen Ajendayaasha Shirka Dib u heshiisiinta Qaran ee Dhawaan la qaban doono.

 

Odayaasha Beelaha Hawiye ayaa dhawaan waxay sheegeen in aysan jirin wax ay kala socdaan shir dib u heshiisiineed oo lagu qabanayo Magaalada Muqdisho, iyagoo caddeeyay in aysan jirin cid arrimaha shirkaas kala soo xiriirtay.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed oo ah mid ay qabashadiisa ka dambeyso Dowladda Federaalka Soomaaliya ayay Mas’uuliyiinta Dowladda horay u sheegeen in loo qabanayo Beelaha Soomaaliyeed ee colaadaha dhexmareen, halka ay Odaayasha Beelaha Hawiye qabaan in shirka uu noqdo mid khilaafyada Siyaasadeed looga heshiiyo.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).