12.6 C
London
Saturday, November 8, 2025

Qarax Xoogan oo xalay ka dhacay xaafadda H/Wadaag ee magaalada Beled Weyne

- Advertisement -spot_imgspot_img
Khamiis, 21, Jun, 2007 (HOL)  Qarax oo dhamaan laga maqlay xaafadaha magaaladu Beled Weyne oo ahaa  mid noociisa aan horay looga maqal  tan iyo wixii ka danbeeyay markii ay la wareegeen Maamulka Gobalka Ciidamada Dowlada Federaalka iyo kuwa Itoobiya ayaa ka dhacay xaafadda H/Wadaag .
 
Goob aan ka fogeyn halka ay ku taalo xarunta Shirkada Isgaasiinta ee Hormuud oo uu qaraxu ka dhacay ayaa goob joogayaal ku suganaa waxaa ay HOL u sheegeen in uu ka dhashay qarax Bam kuwa gacanta laga Tuuro, lakiin dadka aqoonta u leh wax yaabaha qarxa ayaa   sheegay in Bam ku ahaa mid ka duwan kuwa gacanta laga Tuuro,Ilaa hadana  lama oga sababta qaxa oo sababay dhaawaca 3 Ruux oo rayid ah.
 
Taliyaha Saldhiga Booliska ee Magaalada B/weyn Col. Xuseen Shugri Axmed  oo qarax HOL u waramay ayaa ku tilmaamay in uu ahaa qaraxaasi mid qeyb ka ah sida uu hadalka u dhgay falal ay wadaan dad doonaya in ay amaanka qal qal galiyaan,
 
Xaafaha Howl-wadaag oo ah halka uu qaraxu ka dhacay caawa ayaa markiiba waxaa ay dadku xireen goobahooda ganacsi, halka qeybaha kale ee magaalada siweyn loo hadal hayo arinta ku daabsan qarax dhacay.
 
Dhawaan ayeey aheyd markii Ciidamada Dowlada Federaalku ku guuleysteen in ay soo saaraan Miino la galiyay goob aan ka fogeyn garoonka diyaaradaha ee Magaalada B/weyn,  halka dhanka kale kooxo aan la garan dhawaan ay Bam ku weerareen gudaha Magaalada gadiid ay la socdeen Ciidamada Itoobiya oo markii danbe rasaas ay fureen sababtay  dhimashada 4 Ruux oo rayid ah.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).