12.6 C
London
Saturday, November 8, 2025

Ciidamadii ku dagaalamay Magaalada Kismaayo oo mar kale laga cabsi qabo in uu dagaal dhexmaro

- Advertisement -spot_imgspot_img

Khamiis, June 21, 2007(HOL): Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in ay jirto xiisad colaadeed oo u dhaxeysa Ciidamadii dabayaaqadii bishii April ee aynu ka soo gudubnay ku dagaalamay Magaaladaas.

 

Wararku waxay intaas ku darayaan in ay labadan Ciidan oo horay uga wada tirsanaa Dowladda Federaalka balse isu rogay kuwo Beeleed ay haatan isku horfadhiyaan deegaanka Gol-weyn, iyagoo isu jira wax ka yar 1km.

 

Waxaa jira warar kale oo sheegaya in gurmad labada Ciidan u socda ay ka ruuqaansadeen magaalooyin ka kala tirsan Gobollada Jubbada Dhexe iyo Gedo, iyadoo taasina ay si weyn u cabsi gelisay Dadka Magaalada Kismaayo oo ka baqaya in mar kale dushooda lagu dagaalamo.

 

Wafdi ka socday Dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu horkacayay Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacma-dheere) ayaa magaalada Kismaayo waxay u tageen sidii ay u xalin lahaayeen khilaafka kala geeyay labadaas ciidan ee ku kalifay in ay dagaal iskala horyimaadaan, hayeeshee waxaad muuqata in Wafdigaas Dowladda uu dib uga laabtay Kismaayo isagoo aan wax xal ah u keenin mushkiladda dhextaala labada Ciidan oo khilaafkooda marka hoos loo sii eego salka ku haya arrimo Qabiil.

 

Sidoo kalena, Xiisaddan Colaadeed ayaa waxay ku soo beegmeysaa iyadoo muddooyinkan ay kulamo lahaayeen Odayaal ka soo jeeda Beelaha ay ka dhasheen labada Ciidan, kuwaasi oo markii ugu dambeysay wada hadalladooda ay natiijo wanaagsan ka soo muuqatay, iyadoo haddii Ciidamadan is-horfadhiya isku dhacaan-na ay wada hadalladooda noqonayaan kuwo meesha ku hakada.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).