13.2 C
London
Friday, November 7, 2025

Maamulka Gobolka Banaadir oo sheegay in Howlgallo lagu sugayo Ammaanka Muqdisho ay si rasmi ah u bilowdeen

- Advertisement -spot_imgspot_img

Axad, June 17, 2007(HOL): Maamulka Gobolka Banaadir ayaa shaaca ka qaaday in ay si rasmi ah u bilowdeen howlgallo lagu sugayo ammaanka Magaalada Muqdisho.

 

Agaasimaha Waaxda Warfaafinta, ahna Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Muxyaddiin Cali ayaa sheegay in habeenkii xalay ahaa ay Magaalada Muqdisho ka socdeen howlgallo lagu sugayo ammaanka Magaalada Muqdisho min Tabeelle ilaa heer Degmo iyo heer Gobol.

 

Maxamed Muxyaddiin waxaa uu intaas ku daray in howlgallaas lagu soo qab-qabtay kooxo falal amni darro ah ka waday Magaalada Muqdisho, wuxuuna caddeeyay in ay habeen iyo maalin sii socon doonaan howlgallada ay wada jirka u wadaan Ciidamada Booliska Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiyaanka ah ee gacanta siinaya.

 

Howlgallo ay Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya ay maanta ka  sameeyeen Wadada Wadnaha ayuu Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir ku tilmaamay kuwo qeyb ka ah howlgallada Amni sugidda ah ee ka socda Magaalada Muqdisho.

 

Howlgallada dardarta leh ee uu bilaabay Maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxay ku soo beegmayaan iyadoo Muqdisho lagu dilay afar Guddoomiye Degmo oo ka tirsanaa Maamulka Gobolka Banaadir, iyadoo sidoo kalena ay Muqdisho ka dhaceen qaraxyo lala beegsaday Fariisimada Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiyaanka ah ee Muqdisho ku sugan.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).