15 C
London
Friday, November 7, 2025

Xaflad lagu maamuusayay Maalinta Caruurta Africa oo lagu qabtay magaalada Beledweyne

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, June 16, 2007(HOL): Maanta oo kale, Qaarada Africa inta badan waxaa laga xusaa maalinta Caruurta gaar ahaan kuwa ku nool qaarada Africa oo marka la eego dhinaca nolasha kuwa wax badan ka liita caruurta ku dhaqan wadamada horay u maray.

 

Sidaas daraadeed dalka Soomaaliya ayaa ka mid ah meelaha sida weyn looga maamuso Maalinta Caruurta Africa, waxaana magaalada B/weyn ee Xarunta u ah Gobalka Hiiraan lagu qabtay Maata mid ka mid ah munasabadaha lagu xusayo maalita Caaruuta kaasoo uu soo qaban qaabiyay Ururka Daryeelka Caruurta iyo Xuquuqda Aadanaha ee Ugaas Khaliif.

 

 

Mas’uuliyiinta Maamulka heer Gobal iyo Degmo iyo kuwa hay’adaha Samafalka ka howl-gala gudaha gobalka oo ka soo qeyb-galay musaabada ayaa ugu horeyn waxaa hadal u jeediyay Gudoomiyaha Ururka Daryeelka Caruurta iyo Xuquuqda Aadanaha ee Ugaas khaliif  Max’ed Cimaan Timo Jilic oo siweyn ugu dheeraaday dhibtaada heysata Caruurta guud ahaan qaarada Africa, gaar ahaan kuwa ku dhaqan gudaha dalka Soomaaliya oo ah ayuu yiri kuwa ugu sii liita caruurta Africa.

 

Timo-Jilic waxaa uu sheegay in wax laga xumaado ay tahay in hay’adaha qaar marka la gaaro Maalintan oo kale in caruurta ay ku taageeraan wax yaabo ka saacidaya dhinaca shaqada taasoo ay ka wanaagasan tahay ayuu sheegay in loogu badalo qalab wax-barasho, waayo aduunka hada waxaa uu la dagaalamayaa in caruurtu shaqeeyaan iyaga oo aan waxba baran.

 

Sidoo kale waxaa ka mid ah Mas’uuliyiintii halkaa ka hadashay Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Eng. Xuseen Mux’ed Maalin oo sheegay in wax lagu farxo ay tahay in la arko munaasbadan oo kale waayo waxaa ay muujineysaa in Nabaduna soo dhaw dahay, dhanica kale waxaa uu balan qaaday in ka maamul ahaan wax badan uu ka qaban doono dayaca heysta caruurta Maata isaga oo la kaashanaya Ururka Daryeelka Caruurta iyo Xuquuqda Aadanaha ee Ugaas Khaliif.

 

Dhinacyadii ka soo qeyb-galay ayaa mar ay soo hadal qaadeen wax yaabaha ugu badan ee keena in caruurta dibad joog noqoto ayaa siweyn looga wada shan qariyay furiinka oo ah kan ugu badan ee caruurta iyo waalidka ka irdheeya.

 

Ugu dambeytii ayaa waxaa halkaa lagu gudoonsiiyay caruur laga xulay kuwa suuqa Qalab isugu jira Funaanado iyo Buugaag waxaana lagu dhiira galiyay in ay ku dadaalaan wax-barashada, halkii ka shaqeyn  lahaayeen.

 

Waa markii ugu horeysan oo sidan oo kale lagu qabto gudaha magaalada B/weyn Munaasabad lagu maamuusayo Maalinta Caruurta Africa oo ay ka soo qeyb-galaan Mas’uuliyiin isugu jirta kuwa maamulka Gobalka iyo hay’adaha Samafalka ka howl-gala gudaha Gobalka Hiiraan.

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

diini@hiiraan.com

Beledweyn, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).