Sabti, June 16, 2007(HOL): Dadka degan xaafadaha u dhow Garoonka Kubadda Cagta Mogadishu Stadium ayaa waxaa la soo deristay cabsi weyn kadib markii ay u goodiyeen Ciidamada Itoobiyaanka ah ee deganka gudaha Garoonkaas.
Dadkani ayaa sheegay in ay Ciidamada Itoobiyaanka u yeereen Odayaasha Xaafadaha u dhowr Garoonka Kubadda Mogadishu Stadium, kadibna ay u sheegeen in haddii dhinacooda laga soo weeraro ay u maqan yihiin dadka degan Xaafadaha u dhow Garoonakaas.
Digniinta loo jeediyay dadkaas ayaa timid kadib markii dhawaan Ciidamada Itoobiyaanka ah ee degan Garoonka Kubadda Cagta Muqdisho Stadium weerar xooggan lagu qaaday, iyadoo loo soo dhexmaray xaafadaha u dhow Garoonkaas.
Qaar ka mid ah dadka degan Nawaaxiga Isbartiibada Muqdisho ayaa kadib markii ay soo gaartay Digniinta uga timid Ciidamada Itoobiyaanka ayaa waxay bilaabeen in ay Xaafadahooda isaga guuraan, iyagoo ka baqaya in mar kale iyagoo aan ka warqabin gudaha xaafaddooda laga weeraro, kadibna ay dhibaato ka soo gaarto dhinaca Ciidamada Itoobiya oo iyagu mar kasta oo la weeraro ku jawaaba Madaafiic xooggan.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Meelaha ay Ciidamada Itoobiyaanka kaga sugan yihiin Magaalada Muqdisho ayaa waxay noqdeen kuwo aaney dib ugu soo noqon karin dadkii horay ugu noolaa sabab la xiriirta in ay dadku ka baqanayaan in ay dhibaato ka soo gaarto Ciidamada Itoobiyaanka ah ee dul-degay guryahoodi.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






