15 C
London
Friday, November 7, 2025

Burundi oo Ciidamo u soo direysa Soomaaliya

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, June 16, 2007(HOL): Dowladda Burundi oo ka mid Dowladihii ballanqaaday in ay Ciidamadooda u dirayaan Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in ay bisha soo socota Ciidamo u diri doonto Soomaaliya.

 

Afhayeen u hadlay Dowladda Burundi oo lagu magacaabo Colonel Adolphe Manirakiza ayaa sheegay in hal Battalion oo Ciidamada Burundi ah Soomaaliya la geyn doono bisha soo socota, wuxuuna caddeeyay in ay Ciidamadaas qeyb ka yihiin Ciidamada Midowga Afrika ee loogu talagalay in ay soo celiyaan xasiloonidii iyo kala dambeyntii Soomaaliya.

 

Dalalka Midowga Afrika ayaa horay isugu raacay in ay Ciidamo 8000 oo Askari gaaraya ay u diraan Soomaaliya, waxaana haatan Magaalada Muqdisho ku sugan 1,500 oo Askari oo ka socda Dowladda Uganda, halka Dowladaha Nigeria, Ghana, Malawi iyo Burundi oo la filayay in ay ku soo xigsadaan Dowladda Uganda aaney ilaa iyo haatan jirin wax Ciidamo ah oo ay Soomaaliya u direen.

 

Dhanka kalena Wasiirrada Gaashaandhiga NATO ayaa Jimcihii aynu ka soo gudubnay isku raacay in ay Dalalka Midowga Afrika ee Ciidamada u diraya Soomaaliya ay ka kaalmeyn doonaan dhinaca daadgureynta Ciidamada, waxaana xusid mudan in NATO ay horay u taageertay Ciidamada Midowga Afrika ee la geeyay Gobolka Darfur ee Dalka Suudaan.

 

Hadalkan ka soo baxay Wasiirrada Gaashaandhigga NATO ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo qaar ka mid ah Dalalka Midowga Afrika ee ballanqaaday in Ciidamo u dirayaan Soomaaliya ay sheegeen dhibaato dhaqaale oo ka heysata sidii ay Ciidamadooda ku geyn lahaayeen Soomaaliya.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).