15 C
London
Friday, November 7, 2025

Qaraxyo Xiriir ah oo Maanta ka dhacay magaalada Muqdisho

- Advertisement -spot_imgspot_img

Jimco, June 15, 2007(HOL): Seddex Qarax oo uusan u dhaxeynin waqti dheer ayaa maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho, iyadoo Qaraxyadaasina ay sababeen dhimashada shan ruux iyo dhaawac intaas ka sii badan.

 

Qaraxyadaas ayaa waxay ka kala dhaceen Isgoysyada Sanca iyo Afarta Jardiino iyo weliba agagaarka Xarunta UNDP ee magaalada Muqdisho. Isgoyska Sanca ayaa la sheaegay in ay ku dhinteen labo ruux, halka qaraxa ka dhacay agagaarka Xarunta UNDP-na uu sababay dhimashada ilaa seddex ruux oo ay Caruur ka mid ahaayeen.

 

Qaraxyadan ayaa lala xiriiriyay Qaraxyadii beryahan ka dhacayay Magaalada Muqdisho, kuwaasi oo lala beegsanayay fariisimada Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiyaanka ah ee Muqdisho ku sugan.

 

Haddaba markii ay qaraxyadaas dhaceen kadib ayaa waxaa dhamaan meelaha qaraxyada ka dhaceen la geeyay Ciidamada Booliska Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya ee gacanta siinaya, waxayna hakad geliyeen isu socodka gaadiidka iyo dadka isticmaali jiray waddooyinka ay qaraxyada ka dhaceen.

 

Qaraxyadan maanta ka dhacay magaalada Muqdiso ayaa waxay ku soo beegmayaan iyadoo maanta Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM ee Muqdisho jooga ay soo bandhigeen hub noocyo kala duwan leh oo lagu soo qabtay howlgallo  hub uruurin ah oo Muqdisho laga sameeyay, iyadoo munaasabaddii hubkaas lagu soo bandhigayayna ay ka qeybgaleen mas’uuliyiin ka socotay Maamulka Gobolka Banaadir iyo kuwo metelayay Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).