15 C
London
Friday, November 7, 2025

Xildhibaan Cusmaan Caato oo sheegay in Ciidamo Hoygiisa baaray ay ka qaateen Lacag, Dahab iyo Alaabo kale oo qaali ah

- Advertisement -spot_imgspot_img

Jimco, June 15, 2007(HOL): Xildhibaan Cusmaan Xasan Cali (Caato) oo haatan ku sugan magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay ayaa sheegay in Ciidamo Itoobiyaan iyo Soomaali isugu jira oo gurigiisa baaray ay ka qaateen Lacag Doollar oo tiro badan, Dahab, Seddex Taleefoon oo nooca Thuraya ah, Saacad  qaali ah oo uu lahaa iyo weliba Dukumiintiyo muhiim u ahaa.

 

Xildhibaan Cusmaan Caato waxaa uu sheegay in uusan diidaneyn in hubka dadka laga uruuriyo balse waxaa uu carrabka ku dhuftay in  ay wax aan wanaagsaneyn ugu muuqato in fal dhac u eg lagula kaco guryaha mas’uuliyiinta, waa sida uu hadalka u dhigaye.

 

Ma ahan Xildhibaankii ugu horeeyay oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo gurigiisa la baaro, waxaana horay guryahooda loo baaray Xildhibaanada kala ah Cusmaan Xaaji Maxamuud Dufle iyo Yuusuf Mire Maxamuud Seeraar, kuwaasi oo ay guryahooda baareen Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiyaanka ah ee Muqdisho ku sugan.

 

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa dhawaan waxaa uu sheegay in aan la baari doonin guryaha 275-ka Mudane ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo weliba madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya ee kala ah C/qaasim Salaad Xasan iyo Cali Mahdi Maxamed, iyadoo hadalkaasna uu ka soo baxay Maamulka Gobolka Banaadir kadib markii baaris lagu sameeyay Guriga Madaxweynihii TNG-da C/qaasim Salaad.

 

Ilaa iyo haatan ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Waaxaha Ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Gobolka Banaadir oo ku aadan hadalka uu sii daayay Xildhibaan Cusmaan Caato ee ku saabsan in gurigiisa laga qaatay Lacag, Dahab iyo Alaabo kale oo qaali ah.

 

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).