14.2 C
London
Friday, November 7, 2025

Golaha Ammaanka ee Q/Midoobay oo ka shiray sidii Ciidamo ka socda UN-ka loo geyn lahaa Soomaaliya

- Advertisement -spot_imgspot_img

Jimco, June 15, 2007(HOL): Xubnaha joogtada ah ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa shir ay ku yeesheen xaruntooda ku taala Magaalada New York waxay uga shireen suurtagalnimada in Ciidamo ka socda UN-ka loo diro Soomaaliya, kuwaasi oo bedeli doona Ciidamada Midowga Afrika ee ay haatan Muqdisho ka joogaan kaliya Ciidamo ka socda Dowladda Uganda.

 

Xubnaha Golaha Ammaanka ee shirka isugu yimid ayaa bayaan ay shirkooda ka soo saareen waxay ugu baaqeen Kooxaha Soomaalida inay isugu yimaadaan shir dib u heshiisiineed oo ay ku xalinayaan khilaafaadka u dhaxeeya.

 

Bayaan ka soo baxay Xubnaha Joogtada ah ee Golaha Ammaanka ayaa wuxuu yimid  kadib markii ay warbixin ka dhegeysteen Mr. Lynn Pascoe oo ah Kaaliyaha Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ee Arrimaha Siyaasadda Soomaaliya, kaasi oo dhawaan booqasho ku tegay Caasimadda Dalka Soomaaliya ee Muqdisho.

 

Xubnaha Golaha Ammaanka ee ka shiray Arrimaha Dalka Soomaaliya waxay walaac ka muujiyeen Qaraxyadii muddoyinkan ka dhacayay Magaalada Muqdisho iyo midkii dhawaan lala beegsaday Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geedi, waxayna weerarradaas ku tilmaameen kuwo xag-jirnimo ah.

 

Ku xigeenka Wakiilka Qaramada Midoobay u fadhiya Soomaaliya Mr, Ciid Bedel Maxamed ayaa sheegay n Dowladdiisa ay si buuxda u taageersan tahay qorshaha uu Golaha Ammaanka ku doonayo in Ciidamo ka socda UN-ka loogu diro Soomaaliya. Ciid Bedel waxaa kale oo uu sheegay in Golaha Ammaanka ay go’an tahay in uu tallaabo ka qaado cid kasta oo isku dayda in ay wiiqdo Nabadda iyo Ammaanka Soomaaliya.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Shirka uu Golaha Ammaanka ka yeeshay Arrimaha Dalka Soomaaliya ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo dib loo dhigay Shirkii dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee lagu waday in uu 14-ka bishan ka furmo magaalada Muqdisho sababo la xiriira in aaney weli diyaar ahayn halkii shirka lagu qaban lahaa iyo iyadoo aaney weli soo xaadirin Ergooyinkii Shirka ka qeybgeli lahaa.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).