14.2 C
London
Friday, November 7, 2025

Deegaanka Feer-Feer ee dhulka Is-maamulka Soomaalida Itoobiya oo lagu soo gebagebeeyay Shir lagu heshiisiinayay Beelo horay halkaas ugu dagaalamay

- Advertisement -spot_imgspot_img

Khamiis, June 14, 2007(HOL): Kulan lagu waday in uu qaato dhowr maalmood isla markaana lagu heshiisiinayay Beelo horay ugu dagaalamay qeybo ka mid ah dhulka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa galinkii dambe ee maalintii shalay waxaa lagu soo geba-gabeeyay Deegaanka Feer-Feer ee Dalka Itoobiya.

Wada hadalka oo ahaa mid seddex-geesood ah ayaa waxaa ka qeyb-galay Sarkiil ka tirsan Ciidamada Itoobiya, Safiirka Dowlada Soomaaliya ee Itoobiya C/kariin Faarax laqanyo, Gudoomiyaha Degmada B/weyn Axmed Gobey Cawaale, Guddoomiyaha Degmada Guri-Ceel Daa’uud Cabdi Daa’uud, Gudoomiyaha Degmada Feer-feer Bare, halka duubabka dhaqankuna ay ka qeyb galeen Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif, Ugaas C/Xakiin Ugaas Maxaad, Ugaas Cali Ugaas Xasan, iyo wax-garad kale.

Saraakiisha Itoobiya oo ahaa dhax dhaxaadiyayaasha wada hadalada ayaa ugu danbeytii ku wargaliyay Wax-garadka Beelaha kulanka ka qeyb-galay in dhinac kasta uu qaato dhaliisha loo soo jeediyo ee ku saabsan dagaaladii ugu danbeeyay ee dhacay, gaar waxaa ay farta ku fiiqeen xogta ay soo ururiyeen gudi loo saaray ka soo baaraan dagida qasaaraha dagaaladii ugu danbeeyay ee dhacay, kuwaasoo ku soo wareejiyay Sarkiisha Itoobiya Xogtii ay soo heleen.

Xogta dagaalka oo dhamaan lagu saleeyay arrimo deegaan ayaa lagu sheegay in uu jiro xad-gudub Beelaha qaar ku kaceen, kasoo ku aadan sheegasho deegaan iyo Barakicin dad Xoola dhato iyo Beeraley u badan, waxaana sidoo kale xogtaasi lagu qeexay in uu jiro bur bur hatiyeed oo ay geysteen qaar ka mid ah beelaha.

Intaas kadib ayaa waxaa Bilaawday doodo culus oo u dhaxeeya Beelaha kulanka ka qeyb-galay waxaana halkaa eedeymo loogu soo jeediyay Gudoomiyaha Degmada Feer-feer oo lagu sheegay in uu dhowr jeer fashiliyay kulamo la doonayay in lagu hishiisiiyo Beelaha, taasoo dhinaciisa uu iska difaacay.

Waxaa halkaas lagu soo bandhigay Qodobo dhowr ah oo sal u noqonaya hishiis buuxa oo laga gaaro wax yaabihii horay u dhacay waxaana Qodobadaa ka mid ahaa, 1- Ganaax lagaceed oo la saaray mid ka mid ah Beelaha kaasoo gaaraya 8000 oo Doolarka Mareykanka ah, 2- in Beel kastaahi Bixiso hatida lagu helo in ay gacanteeda ku bur burisay, 3- in laysku ciliyo wixii hanti ah ee lagu kala qaatay dagaaladii dhacay, 4- in Beeluhu dib ugu laabtaan Deegaandii ay horay u dagaanaayeen dagaalada ka hor iyo waliba in loo aqoonsan doono cid kasta oo mar kale horisa dagaal kuwo ka soo horjeeda Nabad-galyada si buuxdana looga wada hortagi doono.

Saraakiisha Itoobiya waxaa kaloo ay itaa ku dareen in mar kale aysan u duqaadan doonin dowlada Itoobiya dagaalada noocaa oo kale ah oo laga yaabo in ka faa’ideystaan kuwo cadaw ku ah sida ay hadalka u dhigeen siyaasada Itoobiya.

Waa markii ugu horeysan oo si toos ah Dowlada Itoobiya u soo fara galiso wada hadlo dhax maraya Beelaha ku dagaalamay gudaha Itoobiya, taasoo mujineysa sida Dowlada Itoobiya uga xumaatay Dagaaladii ugu danbeeya ee ka dhacay Deegaanada Baar-magoog iyo Labo-baar oo Mas’uuliyiinta Qaar ku tilmaameen in ay lug ku la haayeen Xubno ka tirsan Ururkii Maxkamadaha.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com
Beledweyn, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).