Arbaco,June 13, 2007(HOL): Guddiga loo xil-saaray Shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee lagu qaban doono Magaalada Muqdisho ayaa maanta ku dhawaaqay in qabashada shirka dib loo dhigay ilaa 15-ka bisha July ee soo socota.
Guddoomiyaha Guddiga Shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed Cali Mahdi Maxamed ayaa sheegay in sababaha shirka dib loogu dhigay ay ugu weyn yihiin iyadoo ay Beelaha Soomaaliyeed qaarkood ka soo codsadeen Guddiga in shirka loo hakiyo bacdamaa ay ku mashquulsan yihiin soo xulashada Ergooyinkii shirka uga qeybgeli lahaa iyo iyadoo sidoo kale uu weli dayactir ka socdo Halka lagu qabanayo Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed oo ah Xaruntii Gaadiidka Booliska Soomaaliyeed.
Cali Mahdi Maxamed oo shir jaraa’id ku qabtay Hotelka Amaana ee Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu intaas ku daray in aysan jirin sababo kale oo shirka qabashadiisa dib loogu dhigay, wuxuuse carrabka ku dhuftay in ay guddigooda muhiimad gaar ah siinayaan in shirka uu noqdo mid laga wada qeybgalo oo aan la kala xigsan.
Maalinta berri ah oo ku beegan 14-ka June ayaa lagu waday in uu shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ka furmo Magaalada Muqdisho, hayeeshee sida muuqata taasi ma suurtoobeyso sababaha uu Guddiga Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed soo bandhigay aawgood. 16-kii April ee aynu ka soo gudubnay ayay ahayd in uu shirkan ka furmo magaalada Muqdisho, balse xiligaas waxaa hareeyay oo uu shirka ka furmi waayay caqabado ay ka mid ahaayeen in ay magaalada Muqdisho dagaallo ka socdeen iyo in aan la heynin Dhaqaalihii shirka lagu socodsiin lahaa.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee lagu qabanayo Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka soo horjeeda Xubno la baxay Baarlamaanka Soomaaliyeed ee Xorta ah ee haatan ku sugan Magaalada Asmara ee dalka Eritrea iyo Hoggaamiyayaasha Maxkamadihii Islaamka, kuwaasi oo sheegay in aan xiligan dalka gudahiisa lagu qaban karin Shir dib u heshiisiin Soomaaliyeed, waxayna taasi sabab uga dhigeen in Dalka Soomaaliya uu yahay mid aan xor ahayn oo ay heystaan Ciidamo Itoobiyaan ah.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia






