Arbaco,June 13, 2007(HOL): Maamulka Gobolka Banaadir ayaa shaaca ka qaaday in aan la baari doonin guryaha Xildhibaanada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya ee kala ah Cali Mahdi Maxamed iyo C/qaasim Salaad Xasan.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magalada Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) ayaa sheegay in howlgallada hubka looga baarayo Magaalada Muqdisho aysan saameyn doonin, guryaha 275-ka Mudane ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo weliba madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya, wuxuuna caddeeyay in haddii la tuhmo mas’uuliyiintaas guryahooda ay arrintaas u gudbin doonaan Dowladda Dhexe ee Soomaaliya.
Maxamed Dheere waxaa uu sheegay in howlgallada guryaha lagu baarayo ay yihiin kuwo lagu sugayo ammaanka Magaalada Muqdisho oo markaasina aanan cid gaar ah loogu dan lahayn, wuxuunta farta ku fiiqay in inta ay Howlgallada socdaan ay dhici karaan qaladaad aan ku talagal ahayn oo si lama filaan ah u dhaca.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir waxaa uu sheegay in ammaanka magaalada Muqdisho uu haatan ka wanaagsan yahay sidii hore, wuxuuna tusaale u soo qaatay in maalintii la aasayay Meydka Madaxweynihii hore ee Soomaaliya marxuum Aadan Cabdulle Cusmaan ay madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale oo badan ay socod dheer ku mareen min Garoonka Aadan Cabdulle ee Muqdisho ilaa Deegaanka Ceel Carfiid, iyadoo aaney jirin cid nabadgelyo darro waday oo socodkooda is-hortaag ku sameysay ama carqaladeysay.
Hadalka Maxamed Dheere ayaa ku soo beegmaya iyadoo maalintii shalay ahayd ay madaxda Dowladda Federaalka soomaaliya oo ay horkacayeen Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi ay cudurdaar ka bixisay baaritaan ay Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya ay ku sameeyeen Guriga Madaxweynaha Dowladdii TNG-da C/qaasim Salaad Xasan oo gurigiisa ay Ciidamadaas ka heleen Hub noocyo kala duwan leh.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia






