13.5 C
London
Friday, November 7, 2025

Sii hayaha Safaaradda Soomaaliya ee Uganda oo ka badbaaday isku-day lagu dili lahaa

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arbaco,June 13, 2007(HOL): C/qaadir Faarax oo ah sii hayaha Safaaradda Soomaaliya ee Uganda ayaa habeen hore ka bad-baaday sida uu sheegay isku day dil oo lala damacsanaa in lagu qaarijiyo, kaddib markii ay soo weerareen koox aan la garaneyn waxa ay yihiin.

Ku simaha Safiirka ayaa markii la soo weerayay wuxuu koox Soomaali ah kula sheekeysanayay banaanka hore ee Masaajidka Soomaalida ee Towxiid, waxaana ka hor intii aysan si kas ah u soo beegsan isaga ay soo ja-jabiyeen Gaarigiisa, iyadoo guud ahaan miraayadaha oo dhan dhulka dhigay.

“Anigu waan bad-baaday, waxaana ka baxsaday isku day dil, waxaana u maleynayaa inuu ahaa shir-qool la soo agaasimaya, hase ahaatee baaritaankeeda waan ku jirnaa” sidaa waxaa yiri safiirka oo aan la kulmay, wuxuuna intaas ku sii daray “waxay iga dhaceen $1,500-Dollar, Mobile iyo Gaariga oo ay iga jajabiyeen”.

Mr. Faarax ayaa kooxda uu la sheekeysanayay meel gaar ah uga baxay kaddib markii uu u soo dhacay Telephone dibadda ah, waxaana intii uu ku guda jiray sheekadii qofka soo wacay uu sheegay in ay ka soo dul dhaceen laba nin oo markiiba Mobile-kii iyo wax alaale wixii jeebabka ugu jiray kala baxay, haddii ay ahaan lahaayeen Documents iyo lacag, waxaana dadaal dheeraad ah sameeyay kooxdii oo markiiba soo kala yaacday, oo fashiliyay qorshihii raggas.

Weerarkan ayuu sheegay Safiirka in laga yaabo in ay ka dambeeyeen koooxo dhinac ka degan Safaaradda Soomaalida oo loo sheegay in ay ka guuraan maadaama Safaaradda la weyneynayo, isla markaana ay u shaqeyn doonto sida Safaaradaha kale, maadaama in muddo ah aysan Safaaraddu si fiican u shaqeyn dowlad la’aantii Soomaaliya ka jirtay aawadeed, wuxuuna sheegay in dadkaas qaarkood ay ka dareemayeen dhaga adeyg ku aadan ka guuritaanka dhulka iyo guryaha ay leedahay safaaradda, waxaana maalmihii la soo dhaafay socday olole ku aadan dib u dayactiridda goobta Safaaradda Soomaalida ay ku leedahay Magaaladana Kampala.

Wuxuu sheegay C/qaadir Faarax in Dowladda Uganda ay wado baaritaan la xiriira falkaas oo ahaa mid noociisa oo kale aan hore loo arag ama in la weeraro wakiil Dal uu soo dirsaday, waxaana kiiskan faraha ku haya Police-ka magaaladda oo baaritaan xoogan ku haya.

Safaaradda Soomaaliya ee wadankana Uganda ayaa lagu wadaa in bilaha soo socda ay si caadi ah shaqadeedii Diblumacyadeed u bilowdo, waxaaana lagu wadaa in dhawaan uu yimaado Magaaladan Kampala Safiirka Soomaaliya ee wadanka Uganda Sayid Axmed Sheekh Daahir, kaasoo dhawaan lagu magaacabay wareegto ka soo baxday Xaafiiska Ra’iisul Wasaare Cali Maxamed Geedi.

Faarax Maxamed Cali (Faarax Blue)
Kampala-Uganda
Email:
farahblue_545@hotmail.com

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).