Arbaco,June 13, 2007(HOL): Maamulka Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug ayaa shaaca ka qaaday in Seddex Markab oo Xeebahooda lagu hayo ay yihiin kuwo si sharci darro ah ku soo galay Xeebaha Soomaaliya, isla markaana xaalufin ku hayay Kheyraadka ku jira Badda Soomaaliya.
Guddoomiyaha Degmada Xarardheere C/Salaan Khaliif Axmed ayaa sheegay in Maraakiibtaas oo laga leeyahay Dalalka Thailand iyo Koofurta Kuuriya ay soo qabteen Dhalinyaro uu Maamulka Degmada u xil-saaray ilaalinta Xeebaha Xarar-dheere, kuwaasi oo ay arintooda xiriir kala sameeyeen Waaxda Amniga Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Guddoomiyaha waxaa uu intaas ku daray in Maraakiibtaas la ganaaxi doono, kadibna la sii deyn doono, isagoo beeniyay warar sheegayay in Maraakiibta lagu hayo Xeebaha Xarardheere ay yihiin kuwo af-duuban oo ay heystaan Kooxo Burcad Badeed ah.
Kooxihii Burcad Badeedka ahaa ee Deegaanadaas ku af-duuban jiray Maraakiibta iyo Doomaha u raran ganacsatada Soomaaliyeed iyo kuwa ay soo kireystaan Hay’adaha Samafalka ay halkaas isaga tageen, isagoo xusay in ay aadeen dhinaca Deegaanka Garacad.
Xeebaha Soomaaliya ayaa waxay noqdeen kuwo ku safarkooda uu halis yahay kadib markii ay ka dilaaceen Kooxo Burcad Badeed ah oo Maraakiibta iyo Doomaha Af-duubta, ilaa iyo haatanna ma muuqato cid wax ka qabaneysa dhibaatada ay ku hayaan Xeebaha Soomaaliya, marka laga reebo in ay Maxkamadihii Islaamka mar soo qab-qabteen qaar ka mid ah Kooxaha Burcad Badeedka ah ee ku sugan Xeebaha Soomaaliya, kuwaasi oo lagu soo xiray Xabsiga Dhexe ee Magaalada Muqdisho, hayeeshee markii xukunka lagala wareegay maxkamadihii Islaamka ayay dib u soo cusboonaadeen Kooxihii Burcad Badeedka oo haatan ka qowleysanaya Xeebaha Soomaaliya.
Si kastaba Arrintu ha ahaatee, Kooxahan Burcad Badeedka ah oo ah kuwo aad u hubeysan oo wata Doomo Dheereeya iyo Taleefoonnada Sattelite-ka ayaa mar kasta oo la weydiiyo sababta ay Maraakiibta u af-duubanayaan waxay sheegaan in ay Xeebaha Soomaaliya ka ilaaliyaan Maraakiibta sida Sharci Darrada ah uga kalluumeysta iyo weliba kuwa Sunta ku duugaya Xeebaha Soomaaliya, walow ay marar badan af-duubteen, isla markaana ay lacag madax furasho ah ka qaateen Maraakiib iyo Doomo u rarnaa Ganacsato Soomaaliyeed.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia






