13.5 C
London
Friday, November 7, 2025

Ciidamo Itoobiyaan ah oo saakay lagu weeraray Deegaanka Suuqa Xoolaha

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arbaco,June 13, 2007(HOL): Kolonyo Ciidamo Itoobiyaan ah oo marayay Deegaanka Suuqa Xoolaha ee Magaalada Muqdisho ayaa Bambo Gacmeed lagu weeraray, iyadoo kadibna ay Ciidamadaas rasaas ku fureen Dadweyne ku sugnaa halka Bamka lagula tuuray, waxaana rasaastaas ku geeriyooday hal qof oo rayid ah.

Ciidamada Itoobiyaanka ayaa markaas kadib waxay bilaabeen in ay baaris ka sameeyaan deegaankii Bamka lagula tuuray, iyagoo joojiyay gebi ahaanba isu socodka Gaadiidka iyo Dadka, waxayna taasi keentay in ay dad badan guryahooda isaga noqdaan, isla markaana ay ka baaqsadaan howlihii shaqo ee ay u soo baxeen.

Sidoo kalena Ciidamada Booliska Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya ee Muqdishoi kula sugan ayaa iyaguna waxay baaris ka sameeyeen xaafado ka tirsan Degmooyinka Yaaqshiikh iyo Huriwaa, iyadoo baaritaannadaas xooggooda ay ka dhaceen inta u dhaxeysa Isgoyska Towfiiq iyo Ex-Koontarool Balcad, waxaana halkaasi lagu arkayay Ciidamo aad u tiro badan oo guryaha deegaankaas ku yaala baarayay.

Ciidamada Booliska Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiyaanka ah ee Muqdisho ku sugan ayaa mar kasta la sheegayaa in ay howlgallo baaris ah ka sameynayaan qaar ka mid ah Degmooyinka Gobolka Banaadir, iyadoo howlgalladaasna ay mar kasta caqabad ku noqdaan isu socodka dadka iyo gaadiidka isaga kala goosha Waddooyinka Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa magaalada Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) ayaa sheegay in howlgallo ay Ciidamada Booliska Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya ka sameeeyeen Magaalada Muqdisho lagu soo qabtay hub tiro badan iyo rag ka tirsanaa Xarakada Al-Shabaab.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Ma ahan markii ugu horeysay oo Ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku sugan magaalada Muqdisho weerarro ceynkaas oo kale ah loo geysto, waxayna weerarradan ku socdeen tan iyo iyo markii ay Ciidamada Itoobiyaanka soo galeen Dalka Soomaaliya, iyadoo la sheego in ay weeraradaas ka dambeeyaan kooxo ka soo horjeeda joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee Dalka Soomaaliya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).