Axad, 10,Jun, 2007 (HOL) Ra’iisul wasaaraha dowlada Federaalka Soomaaliya Cali Max’ed Geedi iyo Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada ayaa maanta soo gaaray magaalada B/weyn ee Xarunta Gobalka Hiiraan.
Xubnaha ku wehliyay R/iisul wasaarah Safarkiisa oo ay ka mid ahayeen Wasiirka Arimaha Gudaha Max’ed Max’uud Guuleed Gacmo-dheere iyo wasiir ku-xigeenka Wasaarada Gaashaan-dhiga Salaad Cali Jeele ayaa waxaa siweyn ugu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Xubno ka tirsan Maamulka Gobalka, iyo Safiirka Dowlada Soomaaliya u fadhiya dalka Itoobiya C/kariin Faarax Laqanyo.
R/iisul wasaare Geedi oo hadal ka jeediyay Guriga uu dagan yahay C/kariin Faarax Laqanyo oo wafdiga lagu soo dhaweeyay ayaa sheegay in ujeetada socdaalkiisu yahay mid qeyb ka ah olalaha dowlada federaalku ugu jirto gaarsiinta qorshaha dowlada gobalada dalka oo idil, gaar ahaan waxaa uu farta ku fiiqay arimaha nabad-galyada oo ah ayuu yiri qodobka ugu horeeya ee dowladu ka fikireyso.
Sidoo kale R/iisul wasaaruhu mar uu ka hadlayay arimaha amaanka waxaa uu sheegay in wax lagu farxo ay tahay sida dadka ku dhaqan gobalka Hiiraan xooga u saareen hanashada nabad-galyada guud, waayo ayuu yiri waynu og-nahay in aysan jirin cid gacan gaar ah siisay, waxaa uu intaa ku daray in wixii hada ka danbeeya wax lagala qaban doono nabad-galyada guud.
dhinaca kale mar uu soo hadal qaaday R/iisul wasaare Geedi arimaha la xiriira Canshuuraha waxaa uu sheegay in wixii hada ka horeeyay canshuurtii laga qaadi jiray gobalka lagu tilmaami karo mid aan shirciga waa faqsaneyn mar hadii aysan jirin Boono sax ah oo sida uu hadalka u dhigay ka soo baxday Wasaarada Maaliyada, lakiin hada arimahaa waa laga guday oo waxaa lagu shaqeyn doonaa Boono ay bixisay wasaarada Maaliyada oo cidii aan cashuur ku qaadin loo aqoon-sanayo sida uu hadalka u dhigay cid aan dowlada ka Tarjumeynin.
Arimaha shirka dib u hishiisiinta ee dhawaan la filayo in lagu qabto magaalada Muqdisho ayuu mar uu ka hadalayay waxaa uu sheegay duubabka dhaqanka in uu ugu bishaareynayo hadii ay jiraan xitaa xubno ka tirsanaa Midowgii Maxkamadaha ay u soo dirsan karaa shirka iyaga oo aan matalaya Beelaha kaasoo ah ayuu yiri go’aan dowladu horay u gaaratay.
Wasiirka arimaha Gudaha Max’ed Max’uud Guuleed Gacmo-dheere oo hadal gaaban jeediyay ayaa sheegay in uu siweyn ugu faraxsan yahay booqashadiisa Magaalada B/weyn lakiin waxaa uu yiri waxaa jiray warar aan lagu farxin oo maalmihii ugu danbeeyay la maq-maqlayay oo ku aadan khilaaf aan badneyn in uu soo kala dhax galay qeybaha Maamulka loona baahan yahay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo dhameeyo.
Amaanka ayaa siweyn loo sugayay waxaana dhamaan la joojiyay dhaq-dhaqaaqa dadka iyo gadiidka intaba iyada inta badan xaafadaha magaaladana la dhigay ciidamada dowlada Itoobiya iyo kuwa dowlada federaalka oo is garabsanaya.
R/iisul wasaaraha iyo xubnaha uu horkacayay ayaa markii danbe kulamo gaar gaar ah waxa ay la qaateen Xubnaha maamulka Gobalka iyo duubabka dhaqanka iyaga oo markii danbana ku laabtay Magaalada Muqdisho oo sida uu sheegay R/iisul wasaaraha la filayo in maalita Bari ah lagu duugo
Madaxweynihii ugu horeyay ee Soomaaliya Alla ha u Naxriistee Aadan C/dule Cismaan.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online