13.4 C
London
Friday, November 7, 2025

Shiikh Cali Dheere oo xil looga magacaabay Dowladda Federaalka Soomaaliya

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, June 09, 2007(HOL): Shiikh Cali Shiikh Maxamuud (Shiikh Cali Dheere) oo ka mid ah Culumaa’udiinka sida weyn looga yaqaano dalka Soomaaliya ayaa xil Agaasime looga magacaabay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Shiikh Cali Dheere ayaa loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Diinta ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, sida lagu caddeeyay qoraal ka soo baxay Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta.

Shiikh Cali Dheere waxaa uu ahaa Guddoomiyaha Maxkamaddii ugu horeysay ee Islaamiga ahayd ee bartamihii sagaashamaadkii laga furay Waqooyiga Magaalada Muqdisho, maxkamaddaas oo markii dambe burburtay kadib markii ay is-qabteen Siyaasiga Cali Mahdi Maxamed oo xiligaas ahaa Hoggaamiye Siyaasadeed ka taliya W/Muqdisho.

Mar kale ayuu hadana Shiikh Cali Dheere sanadkii hore soo muuqday xiligaasi oo ay talada deegaano badan oo ku yaala Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya ay la wareegeen Maxkamadihii Islaamiga ahaa ee ay iyana ka awood roonaadeen Ciidamada Itoobiyaanka ah ee haatan Muqdisho ku sugan.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Shiikh Cali Shiikh Maxamuud (Shiikh Cali Dheere) oo ka mid ah Culumaa’udiinka sida weyn looga yaqaano Soomaaliya ayaa lagu tilmaamaa Wadaad cod kar ah oo aan ka baqin sheegista waxa uu aaminsan yahay, taasina waxay ahayd tii u suurtagelisay in loo dhiibo hoggaanka Maxkamaddii Islaamiga ahayd ee uu Guddoomiyaha ka ahaa, taasi oo fulisay intii ay jirtay xukunno isugu jiray gacmo iyo lugo goyn, iyadoo ay xusid mudan tahay in ay xitaa xukun in dhagax lagu dilo ah ku riday Nin isagoo guur soo maray Zineystay.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).