13.4 C
London
Friday, November 7, 2025

Ciidamada Booliska Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya oo maalintii shanaad howlgallo ka wada Magaalada Muqdisho

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, June 09, 2007(HOL): Waxaa magaalada Muqdisho maalintii shanaad ka socda howlgallo ay Ciidamada Booliska Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya ay ku baarayaan guryo ku yaala Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Howlgalka ay ciidamadan sameynayaan oo lagu sheegay mid lagu sugayo amniga magaalada Muqdisho, isla markaana lagu uruurinayo hubka iyo waxyaabaha qarxa ee Muqdisho yaala, waxayna saakay ciidamadan ka howlgaleen Xaafado hoos-taga Degmooyinka Yaaqshiid iyo Huriwaa ee Gobolka Banaadir.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in ay sii socon doonaan howlgallada lagu sugayo ammaanka Magaalada Muqdisho, isla markaana hubka lagu uruurinayo, iyadoo guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) uu sheegay in hubka ay Muqdisho ka uruuriyaan ay ku wareejinayaan Ciidamada AMISOM ee Muqdisho ku sugan, inkastoo aan ilaa iyo haatan ciidamadaas lagu wareejin hub ay Ciidamada Booliska iyo kuwa Itoobiyaanka ay ka soo qabteen Xaafado ka tirsan Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Xaafadaha saakay baaritaanada laga sameeyay oo ka tirsan Degmooyinka Yaaqshiid iyo Huriwaa ayaa dadka ku dhaqan loo diiday in ay guryahooda ka soo baxaan, isla markaana ay isu socdaalaan, inkastoo bandowgaas maalmeed uu saarnaa intii ay socotay howsha baarista ah, kadibna laga qaaday.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).