13.4 C
London
Friday, November 7, 2025

Meydka Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo Isniinta Muqdisho la geynayo, laguna aasayo

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, June 09, 2007(HOL): Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta shir aan caadi ahayn ka yeeshay sida loo aasayo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Marxuum Aadan Cabdulle Cusmaan oo shalay gelinkii dambe ku geeriyooday Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Shirkan oo uu shir guddoominayay Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi ayay golaha Wasiirrada ku go’aamiyeen in aas Qaran loo sameeyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya, isla markaana lagu aaso Qabuuraha Jen. Daa’uud ee Magaalada Muqdisho, bacdamaa sida la yiri uu buuxsamay Qabuurihii Qaranka.

Sidoo kalena, Golaha Wasiirrada ayaa waxay go’aamiyeen in Garoonka Diyaaradaha Muqdisho lagu sharfo oo loogu magac daro madaxweynihii hore ee Soomaaliya, isla markaana loo bixiyo Aadan Cadde International Airport.

Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaaji Goob-doon ayaa sheegay in meydka madaxweynihii hore ee Soomaaliya maalinta Isniinta ah ee soo socota la keeni doono Magaalada Muqdisho, isla markaana aas Qaran loo sameyn doono, wuxuuna caddeeyay in ay taasi isku af-garteen ehelada marxuumka iyo madaxda sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxda sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi iyo weliba Guddoomiyaha Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed Cali Mahdi Maxamed ayaa tacsi u diray shacabka Soomaaliyeed iyo eheladii uu ka geeriyooday madaxweynihii hore ee Soomaaliya marxuum Aadan Cabdulle Cusmaan.

Haddaba Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Aadan Cabdulle Cusmaan Nin ceynkee ah ayuu ahaa?. Alle ha u naxariistee marxuum Aadan Cabdulle Cusmaan oo da’diisu ay ahayd 99 sano waxaa taariikhdiisa ka hadlay C/risaaq Xaaji Xuseen oo mar Ra’iisal Wasaare ka noqday Xukuumaddii Madaxweyne Aadan Cadde, kaasi oo ay BBC-da Laanteeda Afka Soomaaliga wareysatay.

C/risaaq Xaaji Xuseen waxaa uu sheegay in madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo ay soo wada shaqeeyeen uu ahaa nin aan masaalkiisa oo kale aan la arkin, wuxuuna ku sii sifeeyay in uu ahaa nin wadani ah oo aan eex iyo qabiil aqoonin, kaasi oo ay dadka Soomaaliyeed is-tusiyeen sida uu cadliga u sameeyay.

Sidoo kalena, waxaa taariikhda madaxweynihii hore ee Soomaaliya ka hadlay Prof. Axmed Ismaaciil Samatar, kaasi oo sheegay in alle ha u naxariistee madaxweyne Aadan Cadde uu lahaa sifooyin uu ka xusay: in uu howl-kar ahaa, in uu ahaa qof ay Wadaniyadda ku weyn tahay, in uu ahaa nin Madax ah oo ku dhaata Dastuurka Dalka u yaala, in uu ahaa Qof Nabadgelyada aad u jecel, in uu ahaa Qof ka soo horjeeday musuq-maasuqa iyo in uu ahaa Il-bax Dowlad-wanaaga ku dhaqmay.

Alle ha u naxariistee Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Aadan Cabdulle Cusmaan oo ku dhashay Magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan sanadkii 1908-dii waxaa uu xiligii uu dalka burburka ku jiray uu ku noolaa gurigiisa ku yaala Degmada Janaale ee Gobolka Shabeelada Hoose, wuxuuna shalay oo taariikhdu ahayd 08/06/2007 uu ku geeriyooday Isbitaal ku yaala Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).