Jimco, June 08, 2007(HOL): Kulan Adag oo markii danbe isku badalay dood xasaasi ah ayaa waxaa ku yeeshay Guriga uu ka dagan yahay Magaalada B/weyn Safiirka Dowlada Soomaaliya u Qaabilsan Dalka Itoobiya C/kariin Faarax Laqanyo Xubno ka Tirsan Mas’uuliyiinta Sar sare ee Maamulka Gobalka iyo Qaar ka mid ah Aqoon-yahanada ku dhaqan Gudaha Gobalka oo markoodii ugu horeysan soo hor fariistay Maamulka tan iyo markii la soo magacaabay.
Wax yaabaha dhinacyadu sida weyn uga doodeen ayaa waxaa ka mid ahaa ilaa hada wax u qabsoomay Maamulka jira, iyo qaabka ugu haboon ee loo heli karo Nidaam ka duwan kan Dowladu soo magacaawdo oo ku saleysan ribitaan Bulshada, iyada oo armahana laga soo bilaabayo Gunta hoose.
Marka laga soo tago Mas’uuliyiinta ugu sareysa Maamulka oo siweyn isaga difaacay edeymo kulul oo loo soo jeediyay ayaa dhinaca kale Aqoon-yahanadii ka qeyb-gashay kulanka waxaa ay sheegeen in Maamulka hada ka jira Gobalku yahay mid wax badan ka gaabiyay heerkii laga filayay, waxaana ay intaa ku dareen in dhaliisha arimahaa oo dhan ay dusha uga tuurayaan dhinaca Dowlada oo ah sida Aqoon-yahanadu sheegeen mid aan la tashi badan sameyn ka hor inta aan la soo magacaabin shaqsiyaadka wax hogaaminaya.
sidoo kale marka laga hadlayo wax qabad la aanta Maamulka hada jira ayaa qaar ka mid ah aqoon-yanadu ku sheegeen in ay salka ku hayso dhinaca cadaalada oo ah mid aan siweyn loo sugin ka hor inta aan lagu dhawaaqin Xubnaha hor kacaya maamulka, taasoo keentay in la waayo wada shaqeyntii kala dhaxeyn laheyd Maamulka Beelaha qaar sida ay qabaan aqoon-yahanadii doodaa soo jeediyay, waayo ayeey yiraaheen Soomaalidu hadda waa mid si weyn ugu dhagan Oraahda ah 4.5 oo ah tan lagu soo dhisay Dowlada.
Lakiin Marka laga soo tago dooda iyo Araa is dhaafsiga dhinacyada ayaa waxaa siweyn laysugu raacay in waqtigan loo ooman yahay Maamul doorsho ku soo baxa, meelna layska dhigo Magacaabista is daba jooga ah ee ka soo baxeysa dhinaca Dowlada.
Markii uu soo dhamaaday kulanka ayaa durbaba waxaa soo baxay eedeymo ay isku jeedinayaan Mas’uuliyiita Maamulka Gobalka oo qaarkood Qalabka warbaahinta ka sheegay in maamulku fashilmay islamarkaana loo baahan yahay isbadal cusub.
Gudoomiye ku-xigeenka Arimaha Siyaasada iyo Nabad-galyada Maamulka Gobalka Hiiraan Xuseen Cumar Xasan Gacamey oo la hadlay war-fidiyeenka ayaa sheegay in wixii hada ka danbeeya loo baahan yahay in maamulka uu ka tirsan yahay xilka iska casilo, isaga oo eeda arimahaa oo dhan dusha uga tuuray Gudoomiyaha Gobalka Eng. Xuseen Mux’ed maalin oo ah ayuu yiri shaqsi ka soo bixi waayay mas’uuliyadii saarneyd.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com
Beledweyn, Somalia






