13.4 C
London
Friday, November 7, 2025

Maxamed Dheere oo sheegay in ay sii socon doonaan Howlgallada lagu sugayo ammaanka Muqdisho

- Advertisement -spot_imgspot_img

Jimco, June 08, 2007(HOL): Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) ayaa sheegay in ay sii socon doonaan howlgallada lagu sugayo ammaanka magaalada Muqdisho.

Maxamed Dheere oo wax laga weydiiyay dhibaatada ay shacabka ku qabaan xayiraado mararka qaarkood uga timaada Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiyaanka ah ayaa sheegay in aysan dadka waxba ka dhibeynin in laga joojiyo isu socodka, taasina ay uga daran tahay amni darrada.

Maalintii seddexaad ayaa maanta waxaa magaalada Muqdisho ka socda howlgallo ay Ciidamada Booliska Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiyaanka ay ku sugayaan ammaanka Magaalada Muqdisho, isla markaana ay ku baaraayaan goobaha looga shakiyo in lagu qariyo hubka, waxayna maanta baaritaanada ka socdeen xaafado ka mid ah Degmooyinka Howl-wadaag iyo Hodan ee Gobolka Banaadir.

Dhanka kalena Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Dheere waxaa uu ka hadlay nin Askari ah oo si macno darro ah u dilay Nin ku xamaalanayay Gaari-Gacan, wuxuuna Maxamed Dheere sheegay in Askarigaas uu Xabsi ku jiro, isla markaana dhawaan la toogan doono, bacdamaa sida uu yiri uu si gardarro ah u dilay nin rayid ah oo aan waxba galabsan.

Howlgallada lagu sugayo ammaanka Magaalada Muqdisho ayaa waxay saameeyaan Dadka ganacsatada ah, Ardayda waxbarashada ku jirta iyo weliba Dadka doonaya in ay is-booqdaan waayo mar kasta oo uu howlgal jiro waxaa la xanibaa isu socodka gaadiidka iyo dadka, taasina waxay keentaa in ay dadka guryahooda iska joogaan oo aysan wax dhaqdhaqaaq ah sameynin.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).