13.4 C
London
Friday, November 7, 2025

Kulan loogu ololeynayo Sharci damaanad qaadaya Xoriyadda Saxaafadda oo Muqdisho ka furmay

- Advertisement -spot_imgspot_img


Jimco, June 08, 2007(HOL): Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay Kulan loogu magac daray Kulanka-u-Ololeynta Sharci damaanad qaadaya Xoriyadda Saxaafadda, kaasi oo ay ka qeyb-gelayaan Xubno ka socda Saxaafadda, Dowladda Federaalka, Odayaasha Dhaqanka, Culumaa’udiinka, Ganacsatada, Haweenka, Sharci-yaqaano iyo xubno ka socda Bulshada Rayidka.

Kulankan oo ay maalgelisay Hay’adda International Management Group (IMG), isla markaana uu meel-marinayo Golaha Qaranka ee Saxaafadda ayaa wuxuu socon doonaa muddo shan cisho ah, waxaana mudadaas kulanka la isku weydaarsan doonaa doodo ku saabsan sidii Saxaafadda Soomaaliyeed loogu heli lahaa sharci damaanad qaada Xoriyadda Saxaafadda.

Xafladdii lagu furayay Kulankan shanta Maalmood socon doona ayaa waxaa ka hadlay Wasiir ku xigeenada Warfaafinta iyo Ganacsiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Yuusuf Geelle Ugaas iyo Cabdi Xaaji Yariis, sidoo kalena waxaa ka hadlay Shiikh Maxamuud Aw-Cabdulle Cariif, Guddoonka Xarunta Dr. Ismaaciil Jimcaale ee Xuquuqda Aadanaha Marwo Maryan Xuseen Maxamed Awreeye, Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda Isku Xirka Nabadda iyo Xuquuqda Aadanaha ee INXA Marwo Sahra Cumar Maalin iyo Ceyni Abuukar Gacal oo ka socotay Dalladda Haweenka COGWO.

Intii ay socdeen khudbadihii furitaanka kulanka ayay mas’uuliyiintii u hadlay Hay’adda Dr. Ismaaciil Jimcaale, INXA iyo COGWO waxay ka codsadeen Dowladda Federaalka in hawada dib loogu soo celiyo Idaacadaha Horn Afrik, Shabelle iyo Idaacadda Qur’aanka Kariimka, haddii uu jiro dembi ay galeen oo loo heystana la soo caddeeyo.

Ugu dambeyntiina, Shiikh Maxamuud Aw-Cabdulle Cariif ayaa ugu baaqay Saxaafadda in ay wax kasta oo ay soo gudbineyso ay run ahaadaan, taasi oo aysan dadka ka shaqeeya adduun iyo aakhiro dhibaato ka soo gaareynin, isagoo inta badan khudbadiisana u soo daliishanayay Aayado Qur’aan ah iyo Axaadiith ka hadlaya dhibaatada ay leedahay wax aan jirin oo la sheego.

Kulankan oo ah midkii labaad oo ay Hay’adda IMG maalgeliso, isla markaana looga hadlo arrimaha sharciga Saxaafadda ayaa wuxuu qabashadiisa ku soo beegmayaa iyadoo dhawaan Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay ansixiyeen sharci uu soo diyaariyay Guddi Xoog Shaqo ah oo ay Bahda Saxaafadda iska soo xuleen, kaasi oo haatan isu bedelay Golaha Qaranka ee Saxaafadda.


Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).