13.9 C
London
Friday, November 7, 2025

Nin looga shakisan yahay in uu ka tirsan yahay Al-Qaacidada Bariga Afrika oo loo diray Xabsiga Guantanamo Bay

- Advertisement -spot_imgspot_img

Khamiis, June 07, 2007(HOL): Ninka looga shakisan yahay in uu ka mid ahaa Al-Qaacidada Bariga Afrika ayaa loo diray Xabsiga uu Mareykanka ku leeyahay Gacanka Cuba ee Guantanamo Bay, kadib markii laga qabtay Geeska Afrika.

Ninkani oo lagu magcaabo C/llaahi Suudi Carraale ayaa la sheegay in uu door ku lahaa Maxkamadihii Islaamka ee mudada lixda Bilood ah ka talinayay Deegaano dhowr ah oo ku yaala Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya, kuwaasi oo awooddii deegaanadaas ay kala wareegeen Ciidamada Dowladda Itoobiya ee haatan Soomaaliya ku sugan.

“Waxaan rumeysannahay in ninkani uu ahaa nin halis ah oo ka tirsan Shabakadda Al-Qaacidada, isla markaana ka howlgalay dalalka Bariga Afrika iyo Dalka Pakistan” sidaasi waxaa yiri Afhayeen u hadlay Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka oo lagu magacaabo Bryan Whitman.

Bryan Whitman waxaa uu sheegay in Mr. Caraale loo heysto in uu fududeeyay safarro ay dagaalyahanno Ajnabi ku tageen Soomaaliya xiligii ay Maxkamadihii Islaamka ka talinayeen Soomaaliya, uuna u sameeyay Dukumiintiyo been abuur ah.

Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka ma aysan sheegin halka C/llaahi Suudi Carraale laga soo qabtay, cidda soo qabatay iyo weliba Dalka uu u dhashay, waxayse sheegtay in uu bishii September 2006 Soomaaliya ku laabtay isagoo ka tegay Dalka Pakistan.

Ugu dambeyntiina, Dowladda Mareykanka ayaa Xabsiga Guantanamo ku heysa 380 maxbuus oo ay u heysato tuhun la xiriira in ay argagixiso yihiin, waxayna Dowladda Mareykanka xabsigaas ku tilmaantay mid sharci ah oo muhiim u ah in lagu xiro Shakhsiyaad ay ku tilmaantay kuwo Khatar ah.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).