13.9 C
London
Friday, November 7, 2025

Ciidamo Itoobiyaan ah oo Ciidamada Dowladda Federaalka kala wareegay Nabadgelyada Magaalada Beledweyne

- Advertisement -spot_imgspot_img

Khamiis, June 07, 2007(HOL): Ciidamada Dowlada Itoobiya ee saldhigooda yahay Jente-guudisho ayaa markii ugu horeysay kala wareegay sugida Nabad-galyada Magaalada B/weyn ee Xarunta u ah Gobalka Hiiraan Ciidamada Dowlada federaalka oo dhawaan lagu amray in ay ka baxaan gudaha magaalada si markaa meesha looga saaro cabashada dadka ee la xiriirta shaqsiyaadka wax ku dhaca dareeska Ciidamada.

Xarunta Saldhiga Booliska iyo dhamaan xarumaha kale ee Maamulka Gobalka ayaa lagu arkayaa Ciidamada Itoobiya oo sidoo kale Xiliga Habeenkii fariisimo ka Sameysta Isgoosyada iyo goobaha Istiraatijiga ah ee gudaha magaalada halka Ciidamada Dowalada Federaalka la arko xiliga habeekii oo kaliya iyaga oo ku roonteynaya Gawaarida Dagaalka.

Ciidamada Itoobiya ayaa ita ay ku guda jiraan howla-hooda sugida Nabad-galyada ayaa waxaa ay dadka ku wargaliyaan in ay wataan shaqadooda caadiga ah, lakiin waxaa ay meesha ka saareen in lagu arko gudaha magaalada Gawirada yar yar ee dadku dhigtaan Jidka dhinaciisa gaar ahaan goobaha ku dhaw dhaw Xarumaha Maamulka oo ah halka ay sida weyn u dagan yihiin Ciidamadu.

waxaa iyana xusid mudan dhibaato dhinaca aqoonsiga ah oo ay isku qabaan Ciidamada Itoobiyaanka iyo kuwa Dowlada federaalka marka laga raabo dareyska Ciidamada oo la sheegay in ay jiraan dad aan ciidamada aheyn oo qaata, taasoo Qodob aad u weyn oo ay kawada had layaan sarkiisha labada dhinac.

La wareegida Ciidamada Itoobiya ee sugada Nabad-galyada Magaalada B/weyn ayaa marka dhanka kale laga eego la oran karaa waa mid ku saleysan joogitaanka Safiirka Dowlada Soomaaliya u fadhiyada dalka Itoobiya C/kariin Faarax Laqanyo oo wafdiga uu hor kacayo ay ka mid yihiin Sarkiil sar sare oo ka tirsan Gaashaan-dhiga Itoobiya iyo Mas’uuliyiinta qaar ka mid ah Gobalada dhulka Ismaamulka Itoobiya oo uu ka mid yahay Gudoomiyaha Gobalka Goday.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Dadka ku dhaqan Magalada B/weyn oo ay u tahay markoodii ugu horeysay oo ay arkaan Ciidamo aan aheyn kuwa Dowlada federaalka oo wax ka sugaya Nabad-galyadooda guud ee magaalada ayaa siyaabo kala duwan uga hadlaya arintaa, Walow hadana marka lasyku soo duwo arigtiyadaa dadku qabo yihiin kuwo salka ku haya ribitaankooda la xiriira in wax uun laga qabto xaalada Amaanka oo ah mid siweyn dadka uga cabsi qabay tan iyo wixii ka danbeeyay werarkii dhawaan ka dhacay duleedka Magaalada kaasoo lagu qaaday Ciidamada Itoobiya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com
Beledweyn, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).