13.9 C
London
Friday, November 7, 2025

Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya oo baaritaano ka sameeyay Suuqa Bakaaraha iyo Nawaaxigiisa

- Advertisement -spot_imgspot_img

Khamiis, June 07, 2007(HOL): Ciidamada Booliska Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saakay baaris ka wada gudaha Suuqa Bakaaraha, waxaana la arkayay Ciidamo tiro badan oo taagan Waddooyinka laga galo Suuqa Bakaaraha.

Ciidamadan ayaa baaritaannada ka sameeyay nawaaxiga Masjidka Abaa Hureyra iyo shirkadaha Isgaarsiinta Telcom Somalia iyo Hormuud, halkaasi oo ay Ciidamada si gaadmo ah ku yimaadeen.

Ganacsatada Suuqa Bakaaraha ayaa waxay xireen dhammaan goobahooda ganacsiga, waxayna bilaabeen in ay guryahooda aadaan, waxaana jidadka soo gala Suuqa Bakaaraha ku sugan Ciidamada Booliska Dowladda Federaalka, halka Ciidamada Itoobiyaankana ay ku sugan yihiin Wadada 30-ka, gaar ahaan Isgoysyada Baar Ubax iyo Black Sea, waxayna ganacsatada Suuqa Bakaaraha ka wel welsan yihin in ay Ciidamadaas soo galaan Suuqa.

Suuqa Bakaaraha ayaa horay loogu dilay dhowr Askari oo ka tirsan Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo ay dileen rag Bastoolado u soo qarsaday, kuwaasi oo ka soo horjeeday in ay Ciidamada Dowladda Suuqa Bakaaraha gudahiisa ka howlgalaan.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) ayaa sheegay in dilalka iyo qaraxyada ka dhaca Magaalada Muqdisho laga soo abaabulo gudaha Suuqa Bakaaraha, inkastoo uu warkaas beeniyay Guddoomiyaha Guddiga Ganacsatada Suuqa Bakaaraha Cali Maxamed Siyaad (Cali Dheere), kaasi oo sheegay in Suuqa uu yahay mid ammaankiisa sugan yahay oo aan laga abaabuli karin falalkaas.

Dhanka kalena, waxaa maalintii labaad magaalada Muqdisho ka socda howlgallo baaxad leh oo ay wadaan Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiyaanka ah ee gacanta siinaya, waxayna howlgalladaasi keeneen in ay xirmaan qaar ka mid ah waddooyinka Muqdisho, isla markaana ay dadkii shaqo tegi jiray iyo kuwii waxbarashada u baqooli jiray ay guryahooda iska joogaan.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).