13.9 C
London
Friday, November 7, 2025

Guddoomiyihii Odayaasha Beelaha Hawiye oo Xabsiga loo taxaabay

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arbaco, June 06, 2007(HOL): Guddoomiyaha Guddiga Odayaasha Beelaha Hawiye Xaaji Cabdi Iimaan Cumar ayay saakay Ciidamada Dowladda Federaalka ka kaxeysteen guriga uu Magaalada Muqdisho ka degan yahay kadib markii baaris lagu sameeyay Guriga Guddoomiyaha oo ku yaala Degmada Yaaqshiid.

Xaaji Cabdi Iimaan ayaa si weyn u dhaliila Siyaasadaha Dowladda Federaalka, isagoo ka mid ahaa Odayaashii sida weyn ugu eedeyn jiray Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya in ay ka dambeeyeen dad badan oo ku dhintay dagaalladii Muqdisho ka dhacay bilihii Maarso iyo April.

Sidoo kalena, Xaaji Cabdi Iimaan ayaa dhawaan si kulul uga jawaabay hadal uu sii daayay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Dheere, kaasi oo ahaa in ay Odayaasha Beelaha Hawiye ka dambeeyaan Dilalka iyo Qaraxyada ka dhaca Magaalada Muqdisho.

Xaaji Cabdi Iimaan waxaa uu sheegay in Maxamed Dheere uu Odayaasha Beelaha Hawiye eedeyntaas u jeediyay kadib markii uu wax ka qaban waayay Dilalka iyo Qaraxyada Muqdisho ka dhaca, wuxuuna caddeeyay in aysan Odayaasha Beelaha Hawiye falalkaas lug lahayn, ayna aad uga soo horjeedaan.

Xaaji Cabdi Iimaan ayaa noqday Odaygii ugu horeeyay ee ka tirsan Odayaasha Beelaha Hawiye, kaasi oo ay xiraan Ciidamada Dowladda Federaalka, wuxuuna xarigiisa uu sawir aan wanaagsaneyn u soo bixiyay Odayaasha Beelaha Hawiye ee sida weyn uga soo horjeeda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo joogitaanka Ciidamada Itoobiyaanka ee Dalka Soomaaliya.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Odayaasha Beelaha Hawiye ayaa dhowr jeer oo hore waxay kulamo ula yeesheen Madaxda sare ee Dowladda Federaalka kadib markii ay soo af-jarmeen dagaalladii Muqdisho ee ay dadka badan ku dhinteen, waxayna Odayaashaas oo qaarkood Saxaafadda la hadlay ay sheegeen in ay madaxda Dowladda isku af-garteen in laga wada shaqeeyo sidii loo nabadeyn lahaa Dalka Soomaaliya guud ahaan, gaar ahaana Magaalada Muqdisho.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).