13.9 C
London
Friday, November 7, 2025

Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo ka waramay Hub culus iyo mid fudud oo ay Ciidamada Booliska soo qabteen

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arbaco, June 06, 2007(HOL): Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Jen. Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo shir jaraa’id ku qabtay Hotelka Bin Cali ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in howlgallo ay sameeyeen Ciidamada Booliska Dowladda Federaalka lagu soo qabtay hub culus iyo mid fudud oo lagu qariyay guryo ku yaala Xaafado ka tirsan Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Taliyaha oo sababta uu shirka jaraa’id uu u qabtay ay ahayd in uu soo bandhigo hub ay Ciidamada Booliska saakay ka soo qabteen xaafado ka mid ah Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay hubkaas isugu jiraan Qoryaha ZUU 23 B10, ZUU 20, RPG, BKM, Hoobiyayaal iyo rasaastooda.

Cabdi Qeydiid ayaa ka codsday Shacabka Soomaaliyeed in ay kala shaqeeyaan Ciidamada Dowladda Federaalka sidii hubka loo heli lahaa, wuxuuna si gaar ah uga codsaday dadka hubka heysta in ay si tabarucaad ah ay Dowladda ugu wareeejiyaan ka hor inta aanan la baarin oo aan xoog looga qaadin.

Sidoo kalena Saxaafadda ayuu ka codsaday in ay Dowladda kala shaqeeyaan sidii dadka looga dhaadhicin lahaa in hubka uu khatar ku yahay nolosha aadanaha, isagoo taasi haddii la helana carrabka ku adkeeyay in ay yaraato dhibaatada hubka lagu geysanayo.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) ayaa sheegay in howlgal ay shalay sameeyeen Ciidamada Dowladda Federaalka lagu soo qabtay Hub iyo Gaadiid ay isticmaalaan dadka is-qarxiya, wuxuuna sidoo kale sheegay in ay gacanta ku dhigeen ilaa 1000 dhalinyaro oo loo tababarayay sida la isu qarxiyo.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).