15.4 C
London
Thursday, November 6, 2025

Xarunta Dr. Ismaaciil Jimcaale ee Xuquuqda Aadanaha oo cambaareysay Dilalka iyo Qaraxyada ka dhaca Magaalada Muqdisho

- Advertisement -spot_imgspot_img

Isniin, June 04, 2007(HOL): Xarunta Dr. Ismaaciil Jimcaale ee Xuquuqda Aadanaha ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay waxay ku sheegtay in ay wel wel iyo walaac ku hayaan Qaraxayada iyo Dilalka ku soo badanaya Magaalada Muqdisho, kuwaasi oo kuwii u dambeeyay loo geystay Guriga Ra’iisal Wasaare Geedi iyo Guddoomiyihii Degmada Ceel Buur marxuum Cali Maxamuud Siicow oo xalay lagu dilay Xaafadda Xarar-yaale ee Degmada Wardhiigley.

“Dhamaan Qaraxyada iyo Dilalka abaabulan ee ka dhacaya magaalada Muqdisho, isla markaana ay dhibaatada ka soo gaareyso dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan ayaa waxay xadgudub ku yihiin Shareecada Islaamka, Xeerarka soo jireenka ah ee Dhaqanka Soomaalida, Axdiga Federaalka KMG ah iyo Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadanaha Qodobkiisa 3aad oo leh “Qof Waliba wuxuu xaq u leeyahay in uu ku noolaado Nabadgelyo iyo Xorriyo”sidaasi waxaa lagu yiri Warsaxaafadeedka ay soo saartay Xarunta Dr. Ismaaciil Jimcaale ee Xuquuqda Aadanaha”.

Xarunta Dr. Ismaaciil ayaa kooxaha ka dambeeya falalka xadgudubyada ah ee Muqdisho ka dhaca waxay ugu baaqday in ay joojiyaan xadgudubyada ay u geysanayaan dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan, iyadoo soo jeedisay in wixii khilaafaad siyaasadeed ah ee jira lagu xaliyo wada hadal iyo dib u heshiisiin Baaxad leh.

“Falalka Argagaxa leh ee dhacaya sida Dagaallada, Qaraxyada, Dilalka, Faraxumeynta, Af-duubka, Jir-dilka iyo Dhaca Hantida Guud iyo mid gaar ahaaneed ayaa intaas oo fal dembiyeedyo ah oo is-biirsaday waxay Soomaaliya ka dhigayaan meel ay ka jirto Masiibo Bani’aadannimo oo weyn iyo Xad-gudubyo baahsan oo lid ku ah Xuquuqda Aadanaha”ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka ay soo saartay Xarunta Dr. Ismaaciil Jimcaale ee Xuquuqda Aadanaha.

Warsaxaafadeedka ka soo baxay Xarunta Dr. Ismaaciil Jimcaale oo ay ku saxiixneyd Guddoomiyaha Xaruntaas Marwo Maryan Xuseen Maxamed Awreeye ayaa Shacabka Soomaaliyeed, Kooxaha, Maamullada, Qabaa’illada, Siyaasiyiinta iyo Ururrada Bulshada Rayidka in ay ka shaqeeyaan Nabadda, Midnimada Umadda, Horumarinta Bulshada, Dhowrista Xuquuqda Aadanaha, Dib-u-heshiisiinta iyo Xasiloonida Dalka.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).