Axad, June 03, 2007(HOL): Gaari TOYOTA ah oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa galabta Casir-liiqii wuxuu ku qarxay iridka guriga Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Prof. Cali Maxamed oo ku yaala Degmada C/Casiis ee Gobolka Banaadir, waxaana qaraxaasi oo aad u xoogganaa uu geystay dhimasho iyo dhaawac aad u tiro badan.
Dad ku dhow Toban ayaa la sheegay in ay qaraxaasi ku dhinteen, kuwaasi oo u badnaa ilaaladii waardiyaha ka heysay guriga Ra’iisal Wasaaraha, kuwaasi oo uu gaariga si kedis ah ugu galay.
Askari ka tirsan Ciidamadii Ilaalada ka hayay guriga Ra’iisal Wasaaraha ayaa la sheegay in uu gaariga istaajiyay, balse uu Darawalkii gaariga qarxay waday ayaa inta gaariga hakiyay hadana dib u sii kaxeeyay, isagoo la aaday dhinaca iridka guriga Ra’iisal Wasaare Geedi uu degan yahay, kadibna uu is-qarxiyay.
Derbiyada guryaha u dhow Guriga uu degan yahay Ra’iisal Wasaaraha ayaa la sheegay in ay si weyn u burbureen sabab la xiriirta qaraxa oo aad u xoogganaa, balse lama soo sheegin wax khasaare ah oo ka dhacay gudaha guriga Ra’iisal Wasaaraha.
Sarkaal ka tirsan Xafiiska Ra’iisal Wasaare Geedi ayaa sheegay in xiliga qaraxa dhacayay uu Ra’iisal Wasaaraha ku sugnaa guriga, isla markaana uu caafimaadkiisa wanaagsan yahay, wax dhibaato ahna aysan ka soo gaarin Qaraxa.
Qaraxaasi kadib ayaa waxaa gaaray guriga Ra’iisal Wasaare Geedi Ciidamada AMISOM iyo kuwa Itoobiya ee ku sugan Magaalada Muqdisho, kuwaasi oo la wareegay ammaanka Xaafadda uu Ra’iisal Wasaaraha degan yahay, iyadoo ay jiraan warar kale oo sheegaya in ay Ra’iisal Wasaaraha kaxeeyeen Ciidamada AMISOM ee Muqdisho ku sugan, kuwaasi oo geeyay meel aan la shaacin.
Wuxuu ahaa Qaraxii afaraad oo lala beegsado Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyadoo Qaraxan maanta iyo mid dhawaan lala beegsaday ay dhaceen kadib markii ay Dowladda Federaalka u soo guurtay Magaalada Muqdisho, halka labo Qarax oo kalena lala beegsaday xili uu booqasho ku yimid magaalada Muqdisho, xiligaasi oo ku aadaneyd intii aysan Dowladda u soo guurin Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.
18-kii September ee sanadkii hore ayaa qarax aad u weyn isna loogu geystay Magaalada Baydhabo Madaxweynaha Soomaaliya Col. C/llaahi Yuusuf, iyadoo qaraxaasina ay ku dhinteen 11 ruux oo uu ku jiray Madaxweynaha walaalkiis, halka madaxweynaha qudhiisana uu dhaawac aan weyneyn oo gubasho iyo firir ah uu ka soo gaaray Qoorta iyo Wejiga, waa sida uu Madaxweynaha qudhiisa u sheegay TV-ga Nation ee Dalka Kenya.
Magaalada Muqdisho ayaa beryahan wuxuu xaalkeeda yahay mid aan caadi ahayn, waxaana ka dhaca dilal loo geysto mas’uuliyiinta degmooyinka Gobolka Banaadir iyo Saraakiisha Ciidamada, iyadoo ay sii dheer yihiin weerarada kuwan oo kale ah ee lagu qarxinayo fariisimada mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka iyo weliba kuwa Ciidamada Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya.
Si kastaba Arrintu ha ahaatee, Qaraxan lala beegsaday Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo Prof. Cali Maxamed Geedi uu maanta ka hadlay Duqeyn uu Mareykanka ka geystay Deegaanka Baar-Gaal ee Gobolka W/Bari, isagoo sheegay in duqeyntaas ay qeyb ka tahay heshiis la-dagaalanka argagixisada ah ee ay wada gaareen Dowladaha Soomaaliya iyo Mareykanka, hayeeshee lama oga in ay hadalka Ra’iisal Wasaaraha iyo Qaraxa lala beegsaday ay xiriir leeyihiin.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
Mogadishu, Somalia