15.4 C
London
Thursday, November 6, 2025

Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Magaalada Beledweyne oo su’aalo weydiinaya Dad gacan saar la lahaa Maxkamaddii Islaamka Gobolka Hiiraan

- Advertisement -spot_imgspot_img
Axad, June 03, 2007(HOL): Tan iyo Wixii ka danbeeyay dhawaan markii weerarka lagu qaaday Ciidamada Itoobiya ee fariisinkooda yahay Duleedka Magaalada Beledweyne waxaa jiray dhaq-dhaqaaqyo kala duwan oo ay ciidamadu ka wadeen Gudaha magaalada kuwaasoo isugu jiray baaritano laga sameeyay Xaafadaha qaar iyo kulamo aan kala go’laheyn oo lala yeelanayay Maamulka Gobalka, Sarakiisha Ciidamada, iyo qeybaha Bulshada oo ay ku jiraan Odayaasha dhaqanka.
 
Laakiin Saacadihii aynu soo dhaafanay ayaa waxaa ay bilaabeen Ciidamadu in ay u yeeraan Shaqsiyaad gaar ah oo lagu eedeyay in ay gacan saar buuxa la haayeen Maxkamadii Islaamiga Gobalka Hiiraan ee Bur burtay, kuwaasoo qaar kood hada mas’uul ka ah Shirkadaha Isgaarsiinta Gobalka iyo kuwa Xawaaladaha.
 
Mid ka mid ah Mas’uuliyiinta looga yeeray Xerada Ciidamada Itoobiya ee Jante-Kuudisho oo HOL uga waramay wax yaabaha ugu badan ee la weydiiyay ayaa sheegay in marka hore Saraakiisha Ciidamadu weydiiyeen wax uu ka og yahay Nidaamkii Maxkamadaha iyo hadii uu xiriir la leeyahay wax ay ku tilamaameen Urur Arga-gixiso, waxana uu intaa ku daray in loo sii daba dhigay bal wax uu kala socdo weerar dhawaan lagu qaaday Ciidamada Itoobiya.
 
Waxaa uu intaa sii raaciyay Mas’uulkaasi in uu jiray Liis ay ku qoran yihiin Magacyada shaqsiyaad Soomaali ah oo wax laga weydiiyay in uu la socdo halka ay ku danbeeyaan, Aniga oo ku wargaliyay ayuu yiri in aan aqoonba u laheyn shaqsiyaadkaa.
 
Dhaq-dhaqaaqan ay wadaan Ciidamada ayaa shaki badan ku abuuray qaar ka mid ah dadka ku dhaqan Magaalada B/weyn , waxaana jira in hada dadka ku dhaqan aga-gaarka halka fariisinka u ah ciidamada Itoobiya bilaabeen in ay ka guuraan guryihii ay daganayeen iyaga oo ka cabsi qaba in mar kale dhacaan qaraxyo iyo weeraro is xiga.
 
Ciidamada Dowlada Federaalka ayaa Maalintii shalay Cadeeyay in mar kale lagu arkay goob aan ka fogeyn halka ay degan yihiin Ciidamada Itoobiya wax yaabaha qarxa oo la soo dhigay meel watada geeskeeda ah, waxaana ay Ciidamadu intaa ku dareen in ay jiraan dad arintaa loo soo xiray.
 
Marka lasyku geeyo arimahan soo baxaya waxaa muujinaya in uu jiro kala shaki soo kala dhax galay Ciidamada Itoobiya iyo Bulshada ku dhaqan a Gobalka gaar ahaan Magaalada B/weyn oo markii ay Ciidamadu soo degaan duleedka magaalada u muuqday kuwo kal sooni badan isku qaba taasoo keentay in Ciidamadu iyaga oo lugeynaya wax ka iibsadaan goobaha laga dukaameysto ee ku yaala Gudaha Magalada B/weyn.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

diini50@hiiraan.com

Beledweyn, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).