 |
| Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) |
Axad, June 03, 2007(HOL): Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) ayaa markii labaad waxaa uu Odayaasha Beelaha Hawiye ku eedeeyay in ay ka dambeeyaan Qaraxyada iyo Dilalka ka dhaca Magaalada Muqdisho.
Maxamed Dheere waxaa uu sheegay in ay Odayaasha Beelaha Hawiye sheegteen xiligii dagaallada ka socdeen Magaalada Muqdisho in ay dagaalka lug ku leeyihiin, haatanna ay gacanta kula jiraan sida uu yiri falalka nabdgelyo darrada ah ee ka jira Magaalada Muqdisho.
“Dhowr jeer ayaan u yeeray si aan uga wada hadalno arrimaha nabadgelyada Magaalada Muqdisho, balse waa ay diideen arrintaas, taasina waxay muujineysaa in ay ka dambeeyaan falalka nabadgelyo darrada ah ee ka jira magaalada Muqdisho”ayuu yiri Maxamed Dheere oo sheegay in ay Odayaashaas sharciga la tiigsan doonaan.
Laakin waxaa eedeyntaas beeniyay Guddoomiyaha Guddiga Odayaasha Beelaha Hawiye Xaaji Cabdi Iimaan Cumar oo sheegay in aysan wax lug ah ku lahayn Dilalka iyo Qaraxyada ka dhaca Magaalada Muqdisho, wuxuuna carrabka ku adkeeyay in aysan ka suurtoobin in ay ku lug yeeshaan falalka ceynkaas oo kale ah. Horayna Afhayeenka Beelaha Hawiye Nabaddoon Axmed Diiriye Cali ayaa cambaareeyay falalka Dilalka iyo Qaraxyada ah ee Muqdisho ka dhaca, wuxuuna ugu baaqay kooxaha ka dambeeya falalkaas in ay joojiyaan.
Waa markii labaad oo uu Maxamed Dheere ku eedeeyo Odayaasha Beelaha Hawiye in ay ka dambeeyaan Dilalka iyo Qaraxyada ka dhacaya Magaalada Muqdisho, isagoo weliba sheegay in Dilalka iyo Qaraxyada laga soo abaabulo gudaha Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
Mogadishu, Somalia