15.4 C
London
Thursday, November 6, 2025

Kolonyo Ciidamo Itoobiyaan ah oo Miino lagu qarxiyay Magaalada Muqdisho

- Advertisement -spot_imgspot_img

Axad, June 03, 2007(HOL): Kolonyo Ciidamo Itoobiyaan ah oo marayay Deegaanka Suuqa Xoolaha ayaa saakay lala beegsaday Qarax Miino, iyadoo la xaqiijiyay in Qaraxaas uu qabsaday mid ka mid ah Gaadiidkii ay wateen Ciidamada Itoobiyaanka.

 
Qaraxaasi kadib ayay Ciidamada Itoobiyaanka fureen rasaas tiro badan, waxaana la sheegay in ay rasaastaas sababtay dhimashada hal ruux iyo dhaawaca labo ruux oo kale, kuwaasi oo dhamaantood ahaa dad rayid ah oo ka dhawaa halka uu Qaraxa ka dhacay.
 
Qaraxa ayaa ka dhacay agagaarka Garaash uu leeyahay Ganacsade la yiraahdo Maalin Taajir, kaasi ku yaala inta u dhaxeysa SOS iyo Suuqa Xoolaha, wuxuuna Qaraxaasi ka dhashay Miino Dhulka lagu aasay, taasi oo markii ay qaraxday God weyn ka qoday halka ay ku qaraxday, sida ay HOL u sheegeen dad goob-joogayaal ah.
 
Lama sheegin inta uu la egyahay khasaaraha soo gaaray Ciidamada Itoobiyaanka ah ee Qaraxa lala beegsaday, waxaana taasi ugu wacan iyadoo ay Ciidamada Itoobiyaanka waddooyinka xiraan mar kasta oo qarax lala beegsado
Hayeeshee Ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku sugan Dalka Soomaaliya, gaar ahaana Magaalada Muqdisho ayaa lala beegsadaa Qaraxyo la sheego in ay ka dambeeyaan Kooxo doonaya inay Ciidamada Itoobiyaanka isaga baxaan dalka Soomaaliya.
 
Ugu Dambeyntiina, Magaalada Muqdisho ayaa tan iyo wixii ka dambeeyay markio ay gacan ku heynteeda la wareegtay Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ku soo badanayay qaraxyo lala beegsanayay Fariisimada Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiyaanka ah ee gacanta siinaya, iyadoo ay sii dheer yihiin dilal loo geysanayo madaxda Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo Saraakiisha Ciidamada Dowladda Federaalka.

 
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).