Sabti, June 02, 2007(HOL): Maamulka Gobolka Banaadir ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in la soo qabtay gacan ku dhiiglayaashii dilay Guddoomiyihii Degmada Howl-Wadaag Marxuum Xasan Cali Siyaad (Xasan Farey) oo xalay la dilay isagoo ka soo baxay Masjid uu ku soo tukaday Salaaddii Maqrib.
Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Banaadir ee dhinaca Arrimaha Bulshada Maxamed Cusmaan Dhagax-tuur ayaa sheegay in baaritaan kadib gacanta lagu soo dhigay labo nin oo uu sheegay in ay ka dambeeyeen dilka Guddoomiyihii Degmada Howl-Wadaag, wuxuuna caddeeyay in raggaas gacan ku dhiiglayaasha ah abaalkooda la marsiin doono kadib marka ay soo dhamaato baaris lagu hayo kiiskooda.
Maxamed Cusmaan Dhagax-tuur waxaa uu intaas ku daray in Raggani la soo qabtay iyagoo ku dhex-dhuumaaleysanayay xaafado ka tirsan Degmada Howl-wadaag, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ay ciidamada Booliska ku raad-joogaan nin kale oo isna ku lug lahaa dilka Guddoomiyaha.
Guddoomiyihii Degmada Howl-Wadaag ee xalay la dilay ayaa wuxuu ahaa guddoomiyihii Degmo ee seddexaad ee la toogto, waxaana horay loogu dilay Magaalada Muqdisho Guddoomiyayaashii Degmooyinka Yaaqshiid iyo Huriwaa, kuwaasi oo la dilay iyagoo guryahooda ku sii jeeday.
Dhanka kalena, waxaa xalay lagu dilay magaalada Kismaayo Taliyihii Ciidamada Nabad-sugidda Degmada Kismaayo G/lle Makhtal Faarax Gaa-gaab, kaasi oo dilkiisa ay ka dambeeyeen 3 nin oo hubeysnaa oo wejiga soo qarsaday, waxaana haatan Magaalada Kismaayo ka socda baaritaan ay wadaan Ciidamada Nabad-sugidda iyo kuwa Booliska ee Magaaladaas ka howlgala.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia






