Arbaco, May 30, 2007(HOL): Saakay 8:30-kii subaxnimo ayaa mar kaliya laga maqlay Xaafadaha Magaalada B/weyn Qarax aad u weyn oo ka dhacay goob aan ka fogoyn halka ay dagan yihiin Ciidamada Itoobiya ee ku sugan duleedka Magaalada B/weyn.
Qaraxa kadib ayaa hadana mar kaliya waxaa is-qabsaday Rasaas aad u culus oo ay ridayeen sida loo meleynayo Ciidamada Itoobiya kuwaasoo dhamaan xiray agagaarka halka weerarku ka dhacay, qof ka tirsan dadka degan xaafada lagu weeraray Ciidamada ayaa u sheegay HOL in uu arkay mid ka mid gadiidka Ciidamada oo qeybta danbe ka gubanaya, waxaana uu intaa ku daray durbaba Ciidamadu in bilaabeen Rasaas xoog leh oo lagu ridayo Xaafadah ku dhaw dhaw halka Qaraxu ka dhacay.
Ilaa hada si rasmi ah looma oga qasaaraha uu geystay Qaraxa dhacay laakiin dadka ku dhaqan qaar ka mid ah xaafadaha Rasaastu gaartay ayaa sheegaya in meelaha qaar dhaawac uu jiro.
Dhawaan ayay aheyd markii lagu guuleystay in laga soo saaro goob aan ka fogeyn halka ay degan yihiin Ciidamada Itoobiya Miino la doonayay in lagu waxyeeleeyo Ciidamadaas, taasoo mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka ay ku tilmaameen mid ay ka dambeeyaan dad ka soo horjeeda Nabad-galyada guud ee Gobolka.
Dhanka kalena, Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo Goobaha Caafimaadka ayaa sheegaya in 4 Ruux oo rayid ah ay ku dhinteen Rasaas xoog leh oo ay rideen Ciidamada Itoobiya kadib markii gawaari ay la socdeen lagu weeraray wax yaabaha qarxa.
Xaafadaha qaar ayaa wali laga soo sheegayaa in ay ka jiraan dhawacyo lala soo gaari waayay goobaha caafimaadka Madaama Ciidamada Itoobiya ay xireen dariiqyada ka soo baxa xaafadaha dhawaca laga soo sheegayo.
Sidoo kale waxaa ay wararku intaas raacinayaan in Ciidamada Itoobiya markii uu qaraxa dhacay ay xir-xireen dad ku sugnaa aga-gaarka halka qaraxu ka dhacay, kuwaasi oo sida la sheegay Ciidamadu u sii gudbiyeen dhinaca Janta-kuundisho oo ay degan yihiin.
Ma’uuliyiinta Maamulka Degmada Beledweyne iyo qaar ka mid ah saraakiisha Ciidamada Booliska oo gaaray goobta Qaraxu ka dhacay ayaa ku guuleystay in ay dejiyaan xaaladda, iyagoo sidoo kalana fasaxay Gadiidka u safra Gobalada dhaxe oo markii hore Ciidamada Itoobiyaanku Xayireen.
Wali waxaa ku sugan dhamaan Xaafadaha ka dhaw goobta Qaraxu ka dhacay Ciidamada Itoobiya oo aad u hubeysan kuwaasoo qaar ka mid xaafadaha ka wada Baaritaan.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com
Beledweyn, Somalia






