17.5 C
London
Thursday, November 6, 2025

Shiikh Xasan Daahir Aweys oo ka jawaabay Hadalkii Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arbaco, May 30, 2007(HOL): Guddoomiyaha Golihii Shuurada Maxkamadihii Islaamka Shiikh Xasan Daahir Aweys ayaa si kulul uga jawaabay hadal uu sii daayay Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya Syoum Mosfen, kaasi oo ahaa in aysan Ciidamada Itoobiya ka bixi doonin Soomaaliya, isla markaana ay Soomaaliya ka badbaadiyeen khatar ay ku hayeen Kooxo uu ku tilmaamay Argagixiso.

Shiikh Xasan Daahir oo u waramayay Wargeyska Asharqul Awsat ee ka soo baxa Magaalada London ee Dalka Ingiriiska ayaa wuxuu sheegay in hadalka Wasiirka uu yahay mid aan waxba ku jirin, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ay Ciidamada Itoobiyaanka ku soo duuleen Dalka Soomaaliya, haatanna ay heystaan.

Shacabka Soomaaliyeed ayuu ugu baaqay Shiikh Xasan in ay ku dadaalaan sidii ay isaga xoreyn lahaayeen cadawga ku soo duulay ee qabsaday, isagoo ku dhiirigeliyay Shacabka Soomaaliyeed in ay maalin uun heli doonaan xoriyaddoodii iyo madax-bannaanidoodi.

Waa markii labaad oo uu Shiikh Xasan Daahir Wareysi siiyo Wargeyska Sharqul Awsat tan iyo markii ay dhawaan gacan ku heynta Magaalada Muqdisho iyo deegaano dhowr ah oo ku yaala Koofurta Soomaaliya ay la wareegeen Ciidamo Itoobiyaan ah oo la sheego in ay gacan siinayaan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya Syoum Mosfen ayaa sheegay in haddii ay Ciidamada Itoobiyaanka isaga baxaan Soomaaliya ay noqon doonaan naftii iyo maalkii ay hureen Soomaaliya kuwo bacaad lagu lisay, wuxuuna ka gaabsaday in uu sheego goorta ay kama dambeys ka bixi doonaan Soomaaliya Ciidamada Itoobiyaanka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya ayaa hadalkan sheegay kadib booqasho uu dhawaan ku tegay Magaalada Muqdisho, isla markaana uu dib u soo furay Safaaraddii ay Itoobiya ku lahayd dalka Soomaaliya, wuxuuna hadalkiisan yahay mid ka jawaabaya su’aal ay qabaan dad badan oo Soomaaliyeed, taasi oo ah goorta ay Ciidamada Itoobiyaanka ka bixi doonaan Dalka Soomaaliya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).